Friday, October 18, 2024

Dowladda oo sheegtay in ay dishay 39 xubnood oo ka tirsan AS

Muqdisho (Dawan)- Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya Saaxiibada Caalamka ayaa dilay 39 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, sida ay sheegtay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.

Howlgal ay si wada jir ah u fuliyeen ciidamada Soomaaliya iyo Saaxibadda Caalamka oo ay ku jirto duqeyn cirka ah ayaa lala beegsaday saldhigyo ay Shabaab ku leeyihiin Baldooska iyo Baqdaad oo ku dhow degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaaradda ayaa lagu yiri. ” Hawlgalka ka dhacay deegaanka Baldooska waxaa lagu dilay 24-Khawaarij ah, halka 15-ka kale lagu dilay duqayn ka dhacday deegaanka Baqdaad” .

Wasaaradduu waxa ay intaas raacisay in ay jiraan dhaawacyo soo gaaray qaar ka mid ah dagaalyahanada Al-Shabaab.

Warku wuxuu intaas ku darayaan in ciidamadu ay weli howlgalo ka wadaan xeebaha ku teedsan magaalada Marka ee xarunta gobolka Sh/hoose, iyagoo halkaasi ka saaray xubno ka tirsan Al-Shababa oo ku dhuumaaleysanayay deegaanadaas.

Kooxda Al-Shabaab ayaa shalay sheegtay in 9 askari ay ku dileen agagaarka deegaanka Jambaluul oo ku dhow degmada Afgooye, halka ay sidoo kale ku eedeeyeen diyaaradaha wax duqeeya in ay deegaanka ku dileen 18 qof oo aryid ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here