Monday, September 16, 2024

Dowladda oo war kasoo saartay hubkii lagu boobay Caabudwaaq

Muqdisho (Dawan)- Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa war kasoo saartay hubkii shalay lagu boobay magaalada Caabdudwaaq ee gobolka Galgaduud, iyada oo sheegtay in laamaha amnigu gacanta ku dhigeen hub si sharci darro ah looga keenay Itoobiya basle ay jidka u galeen maleeshiyaad hubaysan.

“Laamaha Amnigu markay gacanta kusoo dhigeen hubkaas ayaa waxaa jidgooyo udhigay maleeshiyaad hubaysan, taasina waxay sababtay in hubka qaar ka mid ah uu gacanta u galo maleeshiyaadkaas” ayaa lagu yiri, war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Amniga Gudaha.

Wasaaraddu waxay intaas ku dartay in ka ganacsiga hubka sharcidarada ah uu fursad u yahay ururka Al-Shabaab sidoo kalena uu qayb wayn ka qaato hurinta colaadaha dhexmara Qabaa’ilka Soomaaliyeed.

Wasaaradda ayaa ballanq aaday in hubkaas lagu soo celin doono gacanta dowladda tillaabo adagna laga qaado cidkasta oo ku lug lahayd falkaas xadgudubka ah ” Waxaana ka go’an in hubkaas lagu soo celiyo gacanta dawladda talaabo adagna laga qaado cidkasta oo ku lug lahayd falkaas xadgudubka ah”

Sida ilo xog ogaal ah sheegeen, ciidamo maleeshiyaad beeleed ah ayaa jidka u galay gawaari siday hubka nuucyadiisa kala duwan oo marayay deegaanka Shiilomadow ee Degmada Caabudwaaq, waxeyna gacanta ku dhigeen hubkii kadib dagaal koovan oo dhex maray ciidamadii galbinayay hubka.

Ku dhawaad 20 qof ayaa ku dhintay iska horimaadkaas, waxaana ku dhaawacmay tiro intaas ka badan.

Arrintan waxaa ka dhashay hadal hayn badan kadib markii baraha bulshada lagu arkay dadwayne boobaya hub badan, waxaana ka hadlay siyaasiyiin iyo waxgarad kala duwan kuwaas oo ku tilmaamay inay halis ku tahay amniga guud ee dalka iyo qorshihii cunaqabataynta looga qaaday Soomaaliya.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ugu baaqay Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha in ay shacabka Soomaaliyeed u caddeeyaan waxa sababay in hub baaxadaas leh uu galo gacan shacab, wuxuuna yiri; “Laga aqbali mayo Xukuumaddu in ay ka dhuumato fashilka masuuliyaddeeda ee xajmigaas leh. Tani waa natiijo la filan karayey, haddiiba hannaankii iyo hay’adihii dowladnimo ee heer Gobol iyo Federaal laga weecday, beddelkeedana la doorbiday wado qardajeex ah, macaamil shakhsi ah, iyo marin tahriib” .

Waxa uu intaas ku daray in Baarlamaanka Soomaaliya uusan indhaha ka qabsan karin waxa uu ku tilmaamya fashilka iyo foolxumada lagu wajahayo arrimaha difaaca iyo la dagaallanka argagexisada. “Waa in guddi madax-bannaan loo saaro baaritaanka dhacdadaan, lana caddeeyo cidda qaadaysa masuuliyadda wixii dhacay”.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowlad Goboleedka Puntland, Cabdifaarax Juxa oo arrintaan faallo ka bixiyay waxa uu sheegay inay khalad wayn ahayd in Soomaaliga laga qaado cunaqabatenynta hubka, wuxuuna ku tilmaamay arrinta ka dhacday shalay Caabudwaaq khatar amni oo kusoo korortay xasiloonida Gobolka iyo Nabadda Soomaalida dhexdeeda

Juxa ayaa Facebook kusoo qoray; ” WAA KHALAD WEYN in xayiraadda hubka laga qaado dal aan lahayn Dawlad sharci ahaan iyo siyaasad ahaan heshiis lagu yahay. Dal aan sugi karin xuduudiisa, kana wada talin dalkiisa; dadkiisuna heshiis ahayn”

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowlad Goboleedka Puntland, ayaa dusha u saaray Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Xukuumadiisa dagaal beeleedyada dhawaan ka dhacay meel badan oo ka tirsan dalka ” Intii ay jirtay xukuumadda XSM waxaa sii kordhay colaadda beelaha dhexdooda ah iyo kala aaminbaxa”

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here