Muqdisho, Soomaaliya – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta aasaasay xarunta cusub ee “Daarul Iftaa”, taas oo noqon doonta hay’adda rasmiga ah ee ka talo bixisa arrimaha diinta ee dalka. Dhagax-dhigga xaruntan waxaa si wadajir ah u fuliyay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre iyo Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta, Mukhtaar Roobow.
Wasiir Roobow ayaa carabka ku adkeeyay muhiimadda xaruntan, isagoo sheegay inay saldhig u noqon doonto xallinta arrimaha diimeed ee bulshada, isla markaana ay xoojin doonto fahamka diinta ee dadka Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa tilmaamay in xarunta Daarul Iftaa ay kaalin weyn ka qaadan doonto dejinta iyo xallinta khilaafaadka diimeed ee bulshada dhexdeeda.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale xusay in Soomaaliya ay hore u martay nidaamyada reer Galbeedka ee Yurubiyaanka, taas oo keentay isku dhacyo diimeed oo saameyn ku yeeshay dowladda iyo bulshada, isla markaana ay xaruntan cusub kaalin ka qaadan doonto inay daawo u noqoto arrimahaas.
Xarunta Daarul Iftaa, oo qayb ka ah dhismaha Golaha Sare ee Culimada Soomaaliyeed, ayaa hadda horyaalla Baarlamaanka Soomaaliya si loo ansixiyo. Inkastoo xaruntan loo arko tillaabo muhiim ah, haddana waxaa jira walaac laga muujinayo inay abuuri karto xiisad diimeed, maadaama khilaaf xooggan uu ka jiro dhexdhexaadinta kooxaha kala duwan ee culimada Soomaaliyeed.