Sunday, September 8, 2024

Dowladda Soomaaliya oo xireysa baraha bulshada ee Tiktok iyo Telegram

Muqdisho (Dawan)- Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiydda Soomaaliya ayaa sheegtay in la xiraayo baraha bulshada ee X Tiktok iyo Telegram kadib markii ay qabatay maanta shir looga hadlaayay badqabka Isgaarsiinta, ilaalinta amniga Internet-ka iyo baraha bulshada.

“Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiydda waxa ay ku howlantahay sidii loo ilaalin lahaa dhaqanka suubban ee bulshada Soomaaliyeed marka la isticmaalayo isgaarsiinta iyo aaladaha internetka oo saameyn ku yeeshay hab-nololeedka iyo in ay soo kordheen dhaqamo xun-xun, waxaana qabashada howshaan laf dhabar u ah Hey’adda Isgaarsiinta Qaranka iyo Shirkadaha ka shaqeeyo arimaha ICT-da” ayaa lagu yiri qoraal lasoo dhigay barta Facebook ee wasaaradda.

Qoraalka ayaa intaas ku daray, in la isla gartay in ay muhiim tahay in la xiro Baraha Tiktok, Telegram iyo Aalada Qamaarka lagu ciyaaro ee 1XBET oo sameyn nololeed ku yeeshay Dhallinyarada Soomaaliyeed oo qaarkood keenay in ay nafta ku waayaan.

Qoraalka ayaa lagu soo gabagabeeyay in Wasaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiydda ay bilowday Wacyigalin Bulshda looga digayo qataraha ka imaankara Isgaarsiinta iyo Internet-ka oo sahlaya in si fudud loo faafiyo Wararka iyo xogo aan sal iyo raad laheyn oo lagu dhibaateeyo dad aan waxba galabsan ama lagu kiciyo bulshda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here