Thursday, September 19, 2024

Dubai oo laga dhisayo garoonka diyaaradaha ee ugu wayn dunida

Dubai (Dawan)- Ra’iisul wasaaraha Imaaraadka, ahna xaakimka Dubai, Sheekh Maxamed bin Rashiid Al Maktoum, ayaa ku dhawaaqay dhisidda garoonka diyaaradaha cusub ee Dubai, kaas oo noqon doona garoonka ugu wayn caalamka.

Sheekh Maxamed ayaa yiri, ” Waxaan ansixinay naqashadeynta Terminalka cusub ee garoonka caalamiga ah ee Al Maktoum, waxaana amar ku bixinay in la billaabo dhismaha oo ay ku baxeyso lacag dhan 128 bilyan dirham ($35 bilyan)”


Garoonka Caalamiga ah ee Al Maktoum ayaa noqon doonaa kan ugu wayn dunida kaas oo awood u leh inuu qaabilo ilaa 260 milyan oo rakaab ah sannadkii, taas oo ka dhigan in ka badan shan jibbaar garoonka diyaaradaha ee ay Dubai leedahay hadda.

Garoonka ayaa yeelan doona 400 oo albaab iyo 5 dhabbaha diyaaradaha ah oo is barbar socda, waxaana loo adeegsan doona tignoolajiyad casri ah oo markii ugu horeysay loo isticmaalo duulista rayidka.

Sheekh Maxamed ayaa sidoo kale yiri, ” Waxaan diyaar garow uga jirnaa in Dubai hoggaamiso afartanka sano ee soo socda duulista hawada iyo garoomada caalamiga ah”

Hirgelinta dhismaha Garoonka, waxaa barbar socda, magaalo cusub oo dhameystiran oo ay degi karaan hal malyan oo qof iyo shirkadaha caalamiga ah ee qaabilsan saadka iyo gaadiidka cirka.

Sannadkii 2023-kii, wadarta guud ee rakaabka garoonka caalamiga ah ee Dubai waxay gaareen 87 milyan oo musaafir, taas oo ah koror dhan 31.7 boqolkiiba ah marka la barbar dhigo sannadkii 2022, sida laga soo xigtay Xafiiska Warbaahinta ee Dubai.

Duulimaadyada garoonka caalamiga ah ee Dubai ayaa kordhay boqolkiiba 21.3 sannadkii la soo dhaafay, iyagoo gaaray 416.4 kun oo duulimaad, waana duulimaadyadii ugu badnaa ee la diiwaan geliyo hal sano gudaheeda garoonka caalamiga ah ee Dubai.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here