Thursday, September 19, 2024

Dunida oo dhan 4 xaaladood midkood bay ku hirgashaa doorasho qof iyo cod

Muqdisho (Dawan)- Waxaa qoray Agaasimhii hore ee Hay’adda Nabad Sugidda Qaranka, Fahad Yaasiin.

Dunida oo dhan 4 xaaladood midkood bay ku hirgashaa doorasho qof iyo cod ah;

𝗞𝗼𝗼𝘄: In Madaxweyne kaligii talis ah uu qabto doorasho, qofkay shacabka doortaanna uu xilka ku wareejiyo. Sidaas waxaa yeelay Madaxweynihii hore ee Kenya Danial Arap Moi.

𝗟𝗮𝗯𝗼: In quwado shisheeye qasabto oo ay diyaariso hab doorasho dadweyne loogu dareero, kadibna xilka lagu wareejiyo dowladdaas ay shacabku doorteen. Sidaas waxay ka dhacday Ciraaq iyo Afgaanistaan.

𝗦𝗮𝗱𝗱𝗲𝘅: In heshiis siyaasadeed lagu gaaro, oo si wadar ogol ah lagu qabto doorasho heshiis lagu wada yahay. Sidaasna, waxaa tusaale fiican u ah maamulka gooni goosadka ah ee Soomaaliland.

𝗔𝗳𝗮𝗿: In Madaxweynaha xilka ku fadhiyo uu ku dhawaaqo inuusan musharax ahayn, uuna xilka ku wareejiyo hogaamiyaha ay shacabka doortaan. Sidaasna waxay ka dhacday Suudaan iyo Muuritaaniya.

Madaxweyne Xasan Sheekh 𝐀𝐅𝐀𝐑𝐓𝐀𝐀𝐒 jid waxaa ugu dhaw inuu heshiis wadar ogol ah ku raadiyo doorasho dadweyne. Midda shanaad ee uu kaligiis wato waxaa la dhahaa 𝗔𝗡𝗔𝗔 𝗚𝗔𝗧𝗔𝗬, 𝗔𝗡𝗔𝗔𝗡𝗔 𝗚𝗔𝗗𝗜𝗦𝗧𝗔𝗬, waana riyo hurdadeeda uu kasoo toosayo subaxnimada 𝟭𝟲𝗸𝗮 𝗠𝗮𝘆 𝟮𝟬𝟮𝟲.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here