Thursday, September 19, 2024

Dunida oo garab istaag u muujisay Soomaaliya kadib qaraxii Liido

Muqdisho (Dawan)- Dowladaha dunida iyo Ururada Caalamiga ah ayaa garab istaag u muujiyay Soomaaliya kadib qaraxii galaaftay nolosha in ka badan 30 qof oo ku sugnaa xeebta Liido ee magaalada Muqdisho habeenimadii Jimcaha.

Dowladaha deriska ah, Carabta iyo kuwa sida dhow xiriirka ula leh Soomaaliya oo lagu sii daray Ururada Caalamiga ah ayaa dhammaantood cambaareeyay falkaas, waxeyna hoosta ka xariiqeen sida ay u garab joogaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed si loo soo celiyo xasilnoodii iyo amaanka guud ahaan dalka.

Jabuuti

Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa si kulul u cambaareeyey weerarkii ka dhacay xeebta Liido ee lagu dilay laguna dhaawacay dad rayid ah oo xiligaas nasiino u joogay xeebta.

“Mar kale in la bartilmaameedsado dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan, waxey muujineysa in argagixisadu waalanyihiin ayna ka shaqeeyan kaliya rabshadaha” ayaa lagu yiri; war-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Jabuuti.

Itoobiya

Waxaan aad uga xunnahay dhimashada iyo dhaawaca ka dhashay weerarkii argagaxa lahaa ee ka dhacay xeebta caanka ah ee Muqdisho, ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, isaga oo raaciyay, waxaan u ducaynaynaa dhibanayaasha, qoysaskooda iyo shacabka Soomaaliyeed ee ku jira xilligan adag.

IGAD

Urur Goboleedka IGAD ayaa si kulul u cambaareeyay qaraxii Al-Shabaab ay Jimcihii ka geysteen Xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho. Urur-goboleedka IGAD waxa uu caddeeyay sida ay uga go’an tahay in ay taageeraan dowladda Soomaaliya si loo xaqiijiyo nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Turkey

Turkiga ayaa si kulul u cambaareeyay, , weerarkii ka dhacay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaas.

Wasaaradda ayaa sidoo kale xaqiijisay in Turkiga uu sii wadi doono garab istaagga Soomaaliya ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Dunida Carabta

Baarlamaanka Carabta iyo Jaamacadda Carabta oo wakiil ah dunida Carabta ayaa xaqiijiyay in ay si buuxda u garab taagan yihiin Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si ay guul uga gaarto dagaalka ay kula jirto ururka Al-shabaab. Labada Hay’adood ayaa carrabka ku adkeeyay sida ay uga soo horjeedaan dhammaan falalka argagaxisada ee ujeeddadoodu tahay in ay khalkhal galiyaan amniga iyo xasilloonida wadamada Carabta.

Midowga Afrika

Midowga Afrika ayaa cambaareeyay weerarkii lagu qaaday xeebta Liido ee magaalada Muqdisho kaas oo sababay dhimashada in ka badan 30 qof iyo dhaawaca dad kale oo tira badan.

Qoraal uu soo saaray Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Moussa Faki , ayuu ku cambaareeyay falkaas, isagoo tacsi u diray qoysaska eheladooda ku waayay weerarkan, wuxuuna ku celiyay sida uu Midowga Afrika u garab joogo shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdiisa ee dagaalka kula jiraa, waxa uu ugu magac daray aafada argagixisada.

Midowga Yurub

Midowga Yurub ayaa sidoo kale ka mid ah ururada cambaareeyay qaraxaas, sida uu sheegay Afhayeen u hadlay oo ku sugan Brussels. “Midowga Yurub wuxuu xaqiijinayaa in weerarkan naxariis darada ah ee ka dhanka ah dadka rayidka ah uu muujinayo wuxuushnimada argagixisanimo ee ka dhanka ah dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan”, ayaa lagu yiri; war-saxaafadeed kasoo baxay Midowga Yurub.

Midowga Yurub ayaa ballan qaaday inuu sii wadi doono taageerada la siiyo dowladda Soomaaliya iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada nooc kasta oo ay tahay.

Qaramada Midoobay

Xafiiska kaalmada ee ay Qaramada Midoobay ku leedahay Soomaaliya (UNSOM) ayaa si kulul u cambaareysay weerarkii Jimcihii ka dhacay Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, kaas oo la sheegay inuu ka dhashay qasaaro isagu jira dhimasho iyo dhaawac tira badan.

 “Xeebta Liido waa meel caan ah oo ay Soomaalidu waqti kula qaataan qoysaskooda iyo asxaabtooda, kuna raaxaystaan ​​bilicda xeebaha Soomaaliya.  In goobtan la bartilmaameedsado waa fal foolxun oo mudan cambaareynta ugu adag,” ayuu yiri Ku-simaha Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan. 

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in qaraxii ka dhacay xeebta Liido Jimcihii loosoo xiray dad badan oo ay ku jiraan saraakiil, iyada oo ay weli socdaan baaritaano dheeraad ah.

Hadalkan ayuu sheegay Xamsa kadib markii uu booqday qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxa kuwaas oo lagu baxnaaninayo isbitaalka Erdogan ee magaalada Muqdisho, wuxuuna yiri; “Waxaan qaadnay tallaabooyin deg-deg ah oo la iskula xisaabtamayo, dad badan oo la tuhmayo oo ay saraakiil ku jirto ayaa xiran, baaris kalana waa ku jirnaa, waxaana rajeynayaa in aan qaaddi doonno tallaabo adag oo dhinaca amniga ah.”

Weerarkii lagu qaaday xeebta Liido Jimcihii lasoo dhaafay, waxaa ku dhintay 37 ruux, halka 247 kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya. Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka, waxayna xustay in dagaalyahanadooda ay dileen 54 ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya, islamarkaana ay dhaawaceen 87 kale.

Nawaaxiga Xeebta Liido ayaa caan ku ah Hoteelo iyo Maqaayado waaweyn oo inta badan loo nasiino tago, waxaana horay uga dhacay weeraro sidaan oo kale ah.

Muddo sanado ah ayay dowladdu dagaal kula jirtay ururka Shabaab oo la aas-aasay horraantii sannadkii 2004-tii, waxaana laga saaray magaalooyin waawayn inaksta oo ay weli awood ku leeyihiin dhowr magaalo iyo dhulka miyiga ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here