Saturday, September 7, 2024

Duulimaadka Qaahira iyo Muqdisho oo toos isagu xirmay

Muqdisho (Dawan)- Magaalada Muqdisho, waxaa maanta lagu qabtay munaasabadda daah-furka duulimaadka tooska ah ee ay Diyaaradda Masar ku imaanayso caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Diyaaradda oo maanta billaawday duulimaadyadeeda tooska ah ee Soomaaliya ayaa todobaadkii imaan doonta laba jeer Muqdisho, iyada oo khadkeedu noqon doono Qaahira, Jabuuti, Muqdisho, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Duulista Hawada ee Masar.

Dowladda Soomaaliya oo ay metelayaan Wasiiradda Dibadda iyo Duulista Hawada ayaa soo dhaweeyay wafdi ballaaran oo ay hoggaaminayaan dhiggooda Masar, waxaana si rasmi ah loo daah-furay khadka duulimaad ee tooska kaas oo isku xiraya labada dal, iyada oo looga danleeyahay in la ballaariyo iskaashiga isgaarsineed ee Masar iyo Soomaaliya.

Wajiga cusube ee iskaashiga Soomaaliya iyo Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Axmed Macallin Fiqi iyo dhiggiisa Masar, Badr Cabdicaadi oo wada qabtay shir jaraa’id waxa ay labaduba hoosta ka xariiqeen sida ay uga go’an tahay labada dal sare u qaadidda xiriirka dhow iyo iskaashiga u dhexeeya si loo xoojiyo is-dhexgalka gobolka.

“Hirgelinta iyo daah-furka duulimaadka tooska ah ee maanta waxa uu muujinaya sida ay Masar uga go’antahay xoojinta iskaashiga labada dal” ayuu yiri, Fiqi.

Fiqi waxa uu caddeeyay faa’iidada kala duwan ee khadka duulimaadka tooska ah ee cusub uu u leeyahay dalka, isaga oo sheegay inuu kobcinayo dhaqaalaha, xoojinayana dalxiiska, isla markaana uu soo jiidayo maalgeshiga.

” Duulimaadkan tooska ah, wuxuu ka tarjumayaa aragtideena guud ee ku aaddan nabadda, xasilloonida iyo barwaaqada gobolkeena” ayuu raaciyay Wasiir Fiqi hadalkiisa.

Wasiirka ayaa sidooo kale tilmaamay suuragalnimada inuu kobciyo is-dhaafsiga iyo wax is-weydaarsiga ganacsi ee labada shacab, iyada oo ay ka abuurmi doonaan fursado ballaaran oo dan u ah labada dhinac, sida uu yiri; ” Waxaan shaki ku jirin in khadkan cusub uu xoojin doono dhaqaalaha labada dal, wuxuuna ka dhigan yahay fursad lagu ballaarinayo aragtida iskaashiga , taasoo ka qayb qaadan doonta sii xoojinta xiriirka labada dal iyo himilooyinka guud ee labada shacab”

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar ayaa dhankiisa xusay in dowladdiisu soo dirtay wafdi ballaaaran oo isagu jira wasiiro iyo hay’ado kale taas oo ka marag kaceysa sida ay Masar u danaynayso xoojinta xiriirka qotoda dheer ee Soomaaliya, iyada oo lagu jiro xaalad xasaasi ah guud ahaan gobolka Geeska Afrika

“Daah-furka duulimadkan tooska ah, waxa uu ka qayb qaadan doona iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqanka, iyo ciidamada” ayuu yiri, Wasiirka Masar.

Taageerada Masar ee Midnimada Dhuleed ee Soomaaliya

Fiqi, waxa uu fursadda uga faa’iideystay inuu markale bidhaamiyo mowqifla Masar ay ka taagantahay is-afgradkii Itoobiya iyo Somaliland ee badda, wuxuuna ka mahadceliyay garab istaagga ay u muujisay iyo sida ay uga soo horjeeddo hirgelinta is-afgradkaas.

Mar uu ka hadlayay arrintaas waxa uu yiri; ” Doorka hormuudka ah ee ay Masar ka ciyaartay taageeridda, madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya ee ku aaddan xad-gudubyada Itoobiya.. waxa uu xaqiijinayaa xiriirka qotada dheer ee labada dal”

Dhankiisa Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar, waxa uu caasimadda Muqdisho ka diray farriin cad taas oo u muuqatay mid lagu sii adkaynayo mowqifkii iyo taageeriddi ay Masar hore u muujisay, laguna garab istaagay midniamda dhuleed ee Soomaaliya.

Wasiirka ayaa warbaahinta u sheegay ” Waxaan jeclaan lahaa inaan si buuxda u caddeeyo taageerada Masar ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya”

Waxa uu sii raaciyay; ” Masar waxay si cad u diidantahay tillaabo kasta oo hal dhinac ah oo saameyn ku yeelan karta madax-bannaanida Soomaaliya”

Wasiirku waxa uu xusay in Gobolka Geekska Afrika uu wajahayo caqabado culus iyo qalalaase, taasina ay keeneyso baahida loo qabo in labada dal ay meel isagu geeyaan dadaalladooda si wax looga qabto dhibaatooyinkaas.

Soomaaliya iyo Masar waxaay wadaagaan xiriir soo jireen ah, iyada oo dowladda Masar ay Soomaaliya ka gacan siiso dhinacayda waxbarasahda, caafimaadka, tababarada shaqaalaha rayidka iyo ciidamada.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here