Thursday, September 19, 2024

Duumada oo ku faaftay gobolka Tigray ee Itoobiya

Addis Ababa (Dawan)- Kiisaska cudurka Duumada ee laga diiwan geliyay waayadii ugu dambeysay gobolka Tigray ee dalka Itoobiya ayaa muuijnaya inay jirto kor u kac dhan 60%, sida laga soo xigtay Xafiiska caafimaadka gobolka.

Aregay Gebremedhin, oo ah madaxa Waaxda Xakamaynta iyo Kahortagga Cudurrada ee gobolka Tigray ayaa sheegay in cudurka Duuamdu ku faafiyay 20 degmo, iyada oo 10 ka mid ah degmooyinkaas ay ka jirto xaalad uu ku tilmaamay halis.

Waxa uu hadalkiisa raaciyay in dawa yarida ka jirta gobolka iyo hoos dhaca ku yimid tillaabooyinka ka hortagga cudurada ay sababeen faafitaanka Duumada, iyada oo dagaalkii ka dhacay gobolka uu sababbay inuu hakad ku yimaado shaqada qaar ka mid ah isbitaallada.

Tirada dadka uu soo rito cudurka Duumada ayaa ahaan jirtay 4000 isbuuuci balse hadda waxay gaartay 7000, iyada oo ay shaqeeyaan 50% adeegyadii caafimaadka ee gobolka, waxaana laga cabsi qabaa inay xaaladdu kasii darto, sida ay hadda tahay haddii aan la samaynin ka hortag ballaaran.

Maamulka gobolka ayaa billaabay olole lagu tallaalayo carruurta ka yar shanta sano, balse baahida caafimaad ee ka jirta deegaanada gobolka Tigray ayaa ha mid ka ballaaran awoodda gobolka.

Dhawaan Hay’adda Mareykanka u qaabilsan horumarinta caalamiga ah ee USAID ayaa Itoobiya ka billawday mashruuc lagula dagaalayo cudurka qaaxada kaas oo ay ku baxeyso lacag dhan 8 malyan oo dollaar muddo shan sano ah, waxaana laga hirgelin doona deegaano intooda badan tuulooyin ah oo hoostaga magaalooyinka kala ah Addis Ababa, Diridhaba, Shaggar oo ka tirsan gobolka Oromia iyo Harar.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here