Sunday, September 8, 2024

Egypt Air ma beddeli doontaa Ethiopian Airline?

Muqdisho (Dawan)- Duulmaadkii ugu horeeyay ee Egypt Air ayaa Muqdisho soo caga dhigtay 12-kii bishan July, waxaana toos u furmay buundada isku xiri doonta hadda kadib magaalooyinka Qaahira iyo Muqdisho.

Inta laga war qabo, waa diyaaraddii 7- aad ee caalami ah oo Muqdisho si rasmi ah uga howl billowda taas oo muuijneysa soo kabashada dowladnimada Soomaaliya iyo is garbinta ganacsi ee ay diyaaradaha caalamiga ah ugu jiraan suuqa Soomaaliya balse dadwaynaha Soomaaliyeed weli waxey tebayaan diyaaraddii magacooda xanbaarsaneed ee Somali Arline.

Laba duulimaad oo isu geynta rakaabkoodu kor u dhaafayo 500 oo qof ayey todobaadkii ka sameyn doontaa Egypt Air, Muqdisho iyo Qaahira, iyada oo soo mari doonta Jabuuti.

Farriin siyaasadeed

Ka sokoow danaha ganacsi, Egypt Air waxay siday farriin siyaasadeed oo aad u culus.Wafti ay hoggaaminayaan wasiirrada arrimaha dibadda, iyo gaadiidka ayaa ka mid ahaa rakaabka la yimid diyaaradda ee soo gaaray Muqdisho, waxeyna soo bandhigeen farriintooda siysaaded iyaga oo dhexmarsiinaya ganacsiga.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi kama gamban hadafka dowladdiisa ee ah helitaanka diyaarad bedesha Ethiopian Airline oo ah diyaaradda duulimaadka ugu badan ka sameysa Soomaaliya. 

Duulimaad bedeli kara oo ka fiican” ayuu bartiisa X ku soo qoray.

Fiqi, waxa uu fursadda uga faa’iideystay inuu markale bidhaamiyo mowqifka Masar ay ka taagantahay is-afgradkii Itoobiya iyo Somaliland ee badda, wuxuuna ka mahadceliyay garab istaagga ay u muujisay iyo sida ay uga soo horjeeddo hirgelinta is-afgradkaas.

Mar uu ka hadlayay arrintaas waxa uu yiri; ” Doorka hormuudka ah ee ay Masar ka ciyaartay taageeridda, madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya ee ku aaddan xad-gudubyada Itoobiya.. waxa uu xaqiijinayaa xiriirka qotada dheer ee labada dal”

Dhankiisa Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar, waxa uu caasimadda Muqdisho ka diray farriin cad taas oo u muuqatay mid lagu sii adkaynayo mowqifkii iyo taageeriddi ay Masar hore u muujisay, laguna garab istaagay midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Wasiirka ayaa warbaahinta u sheegay ” Waxaan jeclaan lahaa inaan si buuxda u caddeeyo taageerada Masar ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya”

Waxa uu sii raaciyay; ” Masar waxay si cad u diidantahay tillaabo kasta oo hal dhinac ah oo saameyn ku yeelan karta madax-bannaanida Soomaaliya”

Muqdisho ayaa noqoneysa jihadii 87-aad ee ay Egypt Air u duuleyso.  Egypt Air waa diyaaradda ugu  da’da weyn Afrika iyo Bariga Dhexe, waa 104 sano jir isku dayeysa inay si xowli ah suuqa ugu soo laabato.

Soomaaliya iyo Masar waxaay wadaagaan xiriir soo jireen ah, iyada oo dowladda Masar ay Soomaaliya ka gacan siiso dhinacayda waxbarasahda, caafimaadka, tababarada shaqaalaha rayidka iyo ciidamada.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here