Monday, September 16, 2024

Egypt Air oo ku dhawaaqday xilliga ay billaabeyso duulimaadkeeda Muqdisho

Qaahira (Dawan)- Shirkadda diyaaradaha ee dalka Masar ayaa ku dhawaaqday in kordhisay duulimaadyadeeda ay ku tagto magaalooyinka qaaradda Afrika, iyada oo soo kordhisay duulimaadyo ay ku tegi doono bisha soo socota ee July magaalooyiinka kala ah Muqdisho, caasimadda Soomaaliya, Abidjan oo ah caasimadda Ivory Coast, iyo sidoo kale Jabuuti.

Diyaaradda ayaa billaabi doonta duulimaadyadeeda Soomaaliya oo ah isbuuci laba jeer 11-ka bisha July, wuxuuna noqon doona Qaahira, Jabuuti, Muqdisho, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Duulista dalka Masar.

Sidoo kale, wxaa la qorsheeyay in duulimaadyo ay ku tagi doonto caasimadda Ivory Coast, ee Abidjan, laga bilaabo 9-ka bisha July ee soo socota, iyadoo duulimaadkeedu noqon doono saddex duulimaad toddobaadkii, oo kala ah maalmaha Axadda, Talaadada iyo Jimcaha.

Tillaabadan ayay dowladda Masar uga gol leedahay in ay ballaariso iskaashigeeda dhanka gaadiidka cirka ee kala dhaxeeya qaaradda Afrika iyo fududeynta isku xirka magaalada Qaahira ee magaalooyinka kale ee dunida.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Masar ahna Wakiilka Joogtadda ah ee Ururka Jaamacadda Carabta, Cali Cabdi Awaare ayaa soo dhaweeyay go’aanka kasoo baxay dowladda Masar oo lagu shaaciyay in bisha soo socota 11-keeda la bilaabi doono duulimaadyada Soomaaliya.

Danjiraha ayaa sheegay inay tilaabadan tahay mid sare u qaadeysa xiriirka iskaashi iyo wadashaqeyn ee Soomaaliya iyo Masar iyadoo ay fursadaan tahay mid ay ka faa’ideysan doonaan shacabka labadda dal.

Sannadihii ugu dambeeyay, waxaa sii kordhayay shirkadaha diyaaradaha caalamiga ah ee Muqdisho ku yimaada duulimaadyada kuwaas oo fududeeyay isku xirka Soomaaliya iyo caalamka.

Diyaaradahaas waxaa ka mid ah kuwa laga leeyahay dalalka Turkiga, Itoobiya, Kenya, Qatar, Uganda, Jabuuti iyo Imaaradka Carabta hadana waxaa kusoo biirtay dowladda Masar.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here