Friday, September 20, 2024

Erdogan iyo Abiy oo kawada hadlay xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya

Ankara (Dawan)- Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa kala hadlay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed xiriirka labada dal iyo isbedellada gobolka iyo caalamka.

Wadahadalka oo ahaa mid khadka telefonka ah ayay labada dhinac kawada xaajoodeen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhinacyada kala duwan ee ka dhexeeya labada dal.

Ankara ayaa martigelin doonta maalinta berri ah wareegga labaad ee wadahadallada Soomaaliya iyo Itoobiya oo laga soo hormariyay muddadii hore kadib markii Turkigu soo bandhigay qorsha cusub oo khilaafka lagu xallin karo.

Wasiirka arrimaha Dibadda Turkiga Fidan ayaa usoo bandhigay labada dhinac qorshe lagu soo afjarayo xiisadda labada dal kaas oo ah in Itoobiya ay hesho marin badeed iyada oo loo marayo Soomaaliya, halka Itoobiya ay beddelkeed si aan shaki lahayn u qaddarin doonto midnimada iyo madaxbannaanida siyaasadeed ee Soomaaliya.

Erdogan ayaa sheegay in Turkiga uu sii wadi doono dadaalada lagu doonayo in lagu soo afjaro xiisada u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya, isaga oo carrabka ku adkeeyay in haddii Itoobiya ay qaado tillaabooyin lagu xallinayo walaaca ay Soomaaliya ka qabto midnimadeeda iyo madaxbanaanideeda dhuleed ay fududeyn doonto dhibaatada taagan.

Abiy: Waa lama huraan inaan bad helno

Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa dhankiisa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay dadaalada Madaxweyne Erdogan ee fududeynta xallinta is-faham la’aanta u dhexeysa Itoobiya iyo Soomaaliya, isaga oo carrabka ku adkeeyay muhiimada ay leedahay in shacabka Itoobiya ee ah 120 milyan inay helaan bad.

Xiriirka u dhexeeya dowladaha deriska ah ee Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa xumaaday tan iyo markii Addis Ababa ay heshiis la gashay Somaliland kowdii January ee sannakan 2024 kaas oo u fasaxaya Itoobiya inay hesho bad ay isticmaasho arrimo ganacsi iyo ciidan.

Soomaaliya ayaa diiday heshiiskas, waxayna ku tilmaantay mid aan sharci ahayn oo khatar ku ah deris wanaagga iyo madax-banaanideeda. Itoobiya ayaa dhankeeda sheegtay in heshiisku uusaan saamayn ku yeelan doonin xasiloonida gobolka.

Itoobiya ayaa lumisay dekedihii ay ku lahayd badda cas horraantii sagaashameeyadii ka dib dagaalkii Eretria ee kusoo gabagaboobay in Eritrea noqoto dal ka madaxbannaan Itoobiya sannaadkii 1991kii.

Somaliland ayaa sannadkii 1991-kii ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya, ka dib markii uu dalku galay fowdo sababtay in ay dunto Dowladdii Dhexe ee uu hoggaaminayay Maxamed Siyaad Barre.

In kasta oo ay leedahay hay’ado maamul iyo lacag u gaar ah haddana madax bannaanida Somaliland aqoonsi kama helin beesha caalamka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here