Monday, September 16, 2024

Erdogan iyo Al-siisii oo hoosta ka xariiqay muhiimadda xasiloonida Geeska Afrika

Ankara (Dawan)- Madaxweynaha Masar, Cabdifataax Al-siiis ayaa maanta booqasho rasmi ah ku tegay dalka Turkiga , isaga oo kulan la qaatay dhiggiisa dalkaas Rajab Dayib Erdogan.

Labada hoggaamiye ayaa qalinka ku duugay bayaanka wadajirka ah ee loogu talagalay kulanka ugu horreeyay ee Golaha Iskaashiga Istiraatijiyadeed ee heerka sare ah ee labada dal.

Bayaanka ayaa lagu sheegay sida ay labada dhinac ula dhacsanyihiin heshiisyada ay labada dal kala saxiixdeen ee dhinacyada maaliyadda, deegaanka, qorsheynta magaalooyinka, caafimaadka, tamarta, ganacsiga, beeraha, duulista hawada, tignoolajiyada warfaafinta, isgaarsiinta, tacliinta sare, shaqada, kor u qaadida awoodda, jidadka tareenada, siyaasadda iyo iskaashiga dhanka diblomaasiyaddda.

Wadahadalka Erdogan iyo Al-Siisii kama marnayn xiisadda ugu wayn ee hadda ka taagan Geeska Afrika ee u dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaaan lagu sheegay bayaanka muhiimadda ay leedahay xaqiijinta nabadda, amniga iyo xasilloonida Geeska Afrika iyo ilaalinta deris wanaagga iyo xiriirka saaxiibtinimada, iyo sidoo kale in la ixtiraamo madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee waddan kasta.

Masar waxay horay si cad u sheegtay inay Soomaaliya ka taageereyso dhinac walba haddii xadgudub uga yimaado dibadda, halka Turkigu dadaal xoogan geliyay sidii wadahadal loogu dhamayn lahaa xiisadda ka taagan gobolka.

Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa bishaan ku kulmi doona Ankara markii seddexaad si loo sii amba qaado dadaalladda lagu doonayo in lagu soo afjaro khilaafkii ka dhashay heshiiskii Itoobiya iyo Somaliland ee badda.

Qodobada kale ee ay isla soo qaadeen labada madaxweyne waxaa ka mid ahaa dagaalka ka socda Gaza, qalalaasaha Suudaan iyo xaaladaha wadamada Libya, Suuriya iyo Ciraaq.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here