Sunday, September 8, 2024

Erdoğan oo muujiyay inuu diyaar u yahay dhexdhexaadinta Soomaaliya iyo Itoobiya

Antalya (Dawan)- Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan ayaa muujiyay sida uu diyaar ugu yahay inuu fududeeyo dadaallo dhexdhexaadin ah, si in xal looga gaaro khilaafka u dhaxeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya.

Erdoğan ayaa hadalkaan ka sheegay kulankii uu Magaalada Antalya kula qaatay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo booqashadii ugu horeysay ku tegay Turkiga tan iyo markii ay labada dal wada galeen heshiiskii iskaashiga difaaca.

Madaxweynaha Turkiga ayaa hoosta ka xariiqay in ay ka go’an tahay sidii Soomaaliya looga taageeri lahaa dhinacyada kala duwan, gaar ahaan dhanka difaaca.


Wasaaradaha Difaaca Soomaaliya iyo Turkiga ayaa 8-dii bishii February ku kala saxiixdayMagaalada Ankara heshiis dhanka iskaashiga difaaca iyo dhaqaalaha ah, kaas oo dhigaya in xeebaha Soomaaliya laga difaaco dhammaan falalka khatarta ah sida argagixisada, burcad-badeednimada, kalluumeysiga sharci-darrada ah iyo tahriibinta.

Heshiiska ayaa sidoo kale dhigaya in Soomaaliya laga taaagero dhisidda iyo qalabeynta ciidamo dhanka badda ah.

Madaxweyne Xasan ayaa ka mid ah Madaxda ka qeyb geleysa shirka Madasha Diblomaasiyadda Antalya oo Jimcihii ka billaawday Gobolka Antalya ee Koonfurta Turkiga.

Madasha waxa looga doodaya arrima fara badan oo hadda ka taagan caalamka sida isbeddelka cimilada, argagixisanimada, dhibaatada dhanka cuntada iyo diblomaasiyadda.

Dowladda Itoobiya ayaan shirka Madasha Diblomaasiyadda Antalya usoo dirin mas’uul sare sida ay warisay qaar ka mid ah Warbaahinta Turkiga.·

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here