Thursday, September 19, 2024

Erdogan: Waan sii wadaynaa dhexdhexaadinta Soomaaliya iyo Itoobiya

Ankara (Dawan)- Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, ayaa sheegay inay sii wadi doonaan dadaallada lagu dhexdhexaadinayo dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya si xal looga gaaro khilaafka diblomaasiyadeed ee ka dhashay is-afgaradkii badda ee Itoobya iyo Somaliland wada galeen billowgii sannadkaan.

Ankara ayaa martigelisay horaantii bsihaan wadahadal dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya inkasta oo wax natiijo ah kasoo bixin kulankaas, waxaana dib loo ballamay bisha September ee soo socota.

Arrinta ayaa timid kadib marki ay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa Turkiga ay ku wada hadleen khadka telefonka, iyaga oo kawada xaajooday sidii loo xoojin lahaa iskaashiga istaraatiijiga ah ee u dhexeeya labada dal, gaar ahaan dhinacyada tamarta iyo difaaca.

Hoggaamiyaha Turkiga ayaa carrabka ku dhuftay doorka wax ku oolka ah ee Turkigu uu ka ciyaarayo dhex dhexaadinta Soomaaliya iyo Itoobiya, isaga oo xusay muhiimadda xasilloonida iyo iskaashiga gobolka.

Madaxweyne Erdogan ayaa mar kale xaqiijiyay taageerada joogtada ah ee Turkigu u hayo midnimada dhuleed, iyo dadaallada ka hortagga dagaalka ay dowladu kula jirto ururka Al-shabaab. Erdogan ayaa ballan qaaday in aysan joogsan doonin taageeridda Turkiga siiyo Soomaaliya.

Wadahadalka labada madaxweyne ayaa imaanaya kadib markii Baarlamaanka Turkigu uu dhawaan ansixiyay qaraar ogolaanaya in ciidamo badeed loo diro biyaha Soomaaliya. Qaraarkan ayaa qayb ka ah qorshaha istiraatiijiyadeed ee ballaaran ee dowladda Turkigu ay ugu jirto sahaminta kheyraadka shidaalka iyo gaaska ee xeebaha gobolka.

Turkiga ayaa xeebaha Soomaaliya u soo diri doona dabayaaqada sanadkan markab qaabilsan sahaminta shidaalka iyo gaaska, taasoo qayb ka ah fulinta heshiiskii iskaashia ahaa ee ay kala saxiixdeen labada dal, sida ay hore u shaacisay Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee dalkaas.

Markabka ayaa baaritaan ka sameyn doona saddex baloog oo xeebaha Soomaaliya ah, iyada oo Turkigu yeelan doono xuquuq gaar ah oo la xiriirta raadinta iyo soo saarista marka goobahaas laha helo shidaal.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here