Sunday, September 8, 2024

Eretria oo dalkeeda ka mamnuucday Ethiopian Airlines

Asmara (Dawan)- Hay’adda Duulista Rayidka ee dalka Eritrea ayaa ku dhawaaqday in la hakiyay dhammaan duullimaadyadii diyaaradda Ethiopian Airlines ee ay ku tagi jirtay Eritrea, laga bilaabo 30-ka bisha September 2024.

Hay’adda ayaa ku eedeysay diyaaradda inay xad gudub ku samaysay dadka rakaabka ah ee Eritreanka ah iyada oo lagu sameeyay xatooyo iyo waxyeellenta alaabtooda iyada oo aan wax magdhaw la siinin.

Waxyaabaha kale ee lagu eedeeyay Ethiopian Airlines waxaa ka mid ah daahitaan iyo alaab dhimin.

Shirkadda Ethiopian Airlines ayaa dhankeeda qiratay in 21-di bishaan July lasoo gaarsiiyay ogaysiiska lagu joojiyay duulimaadyadeeda, waxeyna raacisay inaan loo sheegin sababta ka dambeysa go’aankaas.

“Ethiopian Airlines waxay ogaysiis ka heshay Hay’adda Duulista Rayidka ee Eritrea taasoo muujinaysa joojinta dhammaan duullimaadyadii Ethiopian Airlines ee Eritrea, laga bilaabo September 30, 2024. Sababaha gaarka ah ee joojintan nalooma sheegin,” ayay shirkaddu tiri.

Shirkadda Ethiopian Airlines waxay ka codsatay macaamiisheeda inay dulqaataan inta laga xallinyo arrintan, iyada oo kala kaashan doonta Hay’adda Duulista Rayidka ee dalka Eritrea.

Ethiopian Airlines ayaa dib u billoowday duulimaadyadeeda sanndkii 2018 kadib muddo dheer oo aysan dalkaas tegin sababo la xiriiray khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeyay labada dal.

Labada dal waxaa dhex maray dagaal socday 1998-kii ilaa 2000, oo ay ku dhinteen ku dhawaad 80,000 oo qof.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here