Friday, September 20, 2024

Ergayga Mareykanka oo madaxa Tigray kala hadlay nabadeynta Itoobiya

Addis Ababa (Dawan)- Madaxweynaha maamulka ku meel gaarka ah ee Tigray Getachew Reda ayaa maanta la kulmay ergayga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika Mike Hammer, waxayna ka wada hadleen caqabadaha iyo fursadaha ka jira hirgelinta heshiiskii nabadda ee Pretoria.

Labada dhinac waxay kulankooda diiradda ku saareen sidii looga gudbi lahaa caqabadaha ku horgudban heshiiska ay wada galeen xukuumadda iyo Tigray si loo soo afjaro coladdii dhexmartay labada dhinac

Ergayga Mareykankaa ayaa hoosta ka xariiqay sida ay dawladdiisa uga go’an tahay in ay taageerto dadaallada maamulka ku meel gaarka ee Tigray ee lagu dardargelinayo ka mira dhalinta heshiiska nabadeynta.

Madaxweynaha maamulka ku meel gaarka ah ee Tigray ayaa dhankiisa sheegay inay lagama maarmaan tahay in la helo taagero caalami ah si dadka barakacayaasha ah dib loogu celiyo guryahoodii, waxna looga qabto dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee soo wajahaya qaxootiga Tigrayga.

“Haddii lagu guul darreysto in dadkaas wax loo qabto, waxay cawaaqib xun ku noqon doonta nabadda iyo xasilloonida gobolka,” ayuu yiri; Getachew ka digay.

Booqashadan uu Hammer ku tagay Itoobiya waxay qayb ka tahay socdaal dhinacyo badan leh oo uu gobolka ku joogay ilaa 3dii September.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here