Sunday, September 29, 2024

Ergayga Norway ee Soomaaliya oo booqday Hargeysa lana kulmay Biixi

Hargeysa (Dawan)- Ergayga gaarka ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Norway u qaabilsan Soomaaliya, Einar Rystad ayaa maanta booqasho ku tegay magaalada Hargeysa isaga oo kulan la qaatay madaxweynaha jamhuuriyadda iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Qoraal kooban oo kasoo baxay Somaliland ayaa lagu yiri; ” Waxaana Kulanka lagaga wada hadlay arrimaha doorashooyinka, amniga Mandaqada Geeska Afrika iyo xidhiidhka labada dal ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Norway ka dhexeeya”

Einar Rystad, ayaa laba maalin ka hor Muqdisho kula kulmay madaxweyne Xasan Sheekh, isaga oo kala hadlay sii xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinacyada muhiimka ah ee labada dal oo ay ka mid yihiin horumarka iyo amniga.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here