Sunday, September 8, 2024

Eritrea oo sii daysay 23 kalluumaysato Yemeniyiin ah

Sanca (Dawan)- Kooxda Xuuthiyiinta ee dalka Yemen ayaa sheegtay in dowladda Eritrea ay soo daysay 23 kalluumeysato Yemeniyiin ah kuwaas oo muddo 10 maalmood ah ku xirnaa gudaha Eritrea.

23-da qof ee kalluumaysatada ah ayaa ku soo laabtay dekedda magaalada Xudeydah ee ku taal badda cas ka dib markii in ka badan toban maalmood ay ku jireen gacanta Eritrea, sida laga soo xigtay wakaaladda wararka Saba ee ay maamulaan Xuutiyiintu.

Kooxda Xuutiyiinta ayaa ku eedeysay dowladda Eritrea in ay si xun ula dhaqantay kalluumaysatada iyada oo loo gaystay jirdil, sida ay kooxdu sheegtay.

Wakaalladda oo soo xiganeysa kalluumeysatada ayaa sheegtay in Ciidamada ilaalada badda ee Eritrea ayaa qabteen kadibna ay u taxaabeen xabsiga maalintii labaad ee Ciidul Adxaa, xilli ay ku guda jireen howlahooda kalluumeysi ee xeebaha Yemen.

Kalluumaysatada ayaa sidoo kale sheegay in laga qaatay dhammaan qalabki iyo agabyadi ay wateen ee kallumaysiga, iyada oo lagu qasbay in ay qabtaan shaqooyin adag iyaga oo gaajeysan.

Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka Eritrea oo la xiriira arrintan.

Yemen iyo Eritrea ayaa hore ugu murmay jasiiradaha Hanish ee ku taal inta u dhaxaysa xeebaha labada waddan, una dhow marinka Bab al-Mandab ee isku xira badda cas iyo gacanka Cadmeed, waxaana ugu dambayn go’aan kasoo saartay Maxkamadda caalamiga ah, iyada oo u xukuntay Yemen sannadkii 1998-kii.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here