Monday, September 16, 2024

Eritrea oo sii daysay in ka badan 70 kalluumaysato u dhalaty Yemen

Asmara (Dawan)- Eritrea ayaa sii daysay 72 kaluumaysato Yemeniyiin ah kuwaas oo ku jiray xabsiyadeeda tan iyo bilowgii bishaan August, laguna eedeeyay inay si sharci darro ah uga kalluumaeysanayeen biyaha dalkaas.

Maamulka Xudeydah ee dalka Yemen ayaa xaqiijiyay soo daysmadooda waxeyna ciidamada badda ee Eritrea ku eedeeyeen inay kalluumeysatada ka afduubteen biyaha caalamiga ah.

Guddoomiyaha Xudeydah Al-Xasan Daahir oo soo dhaweeyay kaluumaysatada ayaa ugu baaqay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalkaas inay qaado tillaabooyin degdeg ah oo wax looga qabanayo xaaladaha kalluumaysatada Yemen, lana soo afjaro xadgudubyada ay Ciidamada Badda Eritrea ku hayaan .

Sidaan oo kale bishii Luulyo ee la soo dhaafay, ciidamada badda ee Eritrea ayaa sii daayay in ka badan 90 kalluumeysato Yemeni ah, maalmo kaddib markii ay ku hayeen xabsiyadooda.

Iskaashatada Kalluumeysiga ee Xudeydah ayaa si kulul u cambaareeysay xadgudubyada sii kordhaya ee kaluumeysatada Yemen ay si joogto ah ugula kulmaan ciidamada bdda ee Eritrea, waxeyna ugu baaqeen beesha caalamka iyo hay’adaha xuquuqda aaadanaha inay wax ka qabtaan dulmiga ay la kulmaan kaluumeysatada sidoo kalena ay cambaareeyaan dhammaan xadgudubyada ka dhanka ah.

Iskaashatadu waxay intaas ku dartay inya jiraan kalluumaysato kale oo weli ku jira xabsiyada Eritrea kuwaas oo aan laga warqabin xaaladda ay ku suganyihiin tan iyo markii la qabtay.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here