Sunday, September 8, 2024

Eritrea: Ururka Macallimiinta Gobollada Dhexe oo doortay guddi fulin

Asmara (Dawan)- Ururka Macallimiinta Gobollada Dhexe ee dalka Eritrea ayaa doortay guddigooda fulinta oo shaqeyn doona afarta sano ee soo socota kadib shirweynihii 8-aad ee qabsoomay 23-ka bishaan March.

Madaxa xafiiska waxbarashada, Belay Habtegabir oo ka hadlay shirka ayaa sharraxaad dheeraad ah ka bixiyay kaalinta ay Macallimiintu ka qaataan wacyi gelinta iyo horumarka dalka ee dhinaca waxbarashada, isaga oo sheegay in ururka ay ku mideysanyihiin Macallimiin leh khibrad dheer iyo kuwa cusub oo dhallinayaro ah.

Belay Habtegabir ayaa ku booriyay ururka in la sameeyo barnaamijyo tababar oo looga gol leeyahay in kor loogu qaado tayada Macalimiinta, si loo kobciyo habka waxbarista ee casriga ah.

Afwerki Gebrezgiabihier oo ah Guddoomiyaha Ururka Macalimiinta ee Gobollada Dhexe ayaa kula dardaarmay ka qayb galayaasha in ay si hufan u qiimeeyaan dhinacyada waxbarashada ee laga gaaray guulaha iyo caqabadaha jira, si loo dardargeliyo xaqiijinta yoolka ururka.

Ka qaybgalayaasha ayaa dood dheer ka yeeshay warbixinno ay soo gudbiyeen laamaha maamulka iyo maaliyadda, iyada oo sidoo kale is weydaarsaday inti uu socday shirweynaha aragtiyo kala duwan oo lagu doonayo in lagu hormariyo hannaanka guud ee waxbarashada dalka Eritrea.

Simon Mehari, Gudoomiyaha Ururka Macalimiinta qaranka , ayaa ugu baaqay guddiga fulinta ee cusub ee la doortay inuu sida ugu habboon uga soo baxo howshii loo igmaday, isaga oo kula dardaarmay wadashaqeyn dheeraad ah si ay uga mira dhaliyaan yoolkooda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here