Monday, September 16, 2024

Eritrea.. Wasiir hore oo ku geeriyooday xabsi uu ku jiray 6 sano

Asmara (Dawan)- Wasiirkii hore ee maaliyadda Eritrea, Berhane Abrehe  oo markii dambe isku bedelay mucaarad aad u dhaliila madaxweynaha dalkaas ayaa ku dhintay xabsiga, sida laga soo xigtay qoyskiisa.

Berhane Abrehe (79) ayaa ahaa wasiirkii maaliyadda ee ugu waqtiga dheeraa Eritrea, balse waxaa xilka laga qaaday sannadkii 2012-kii kaddib markii ay isku dhaceen madaxweyne Isaias Afwerki, isaga oo soo saaray buug uu ku tilmaamayo Afwerki inuu yahay kaligiis taliye ay tahay inuu is casilo.

Qoyskiisa ayaa sheegay inaan la tusin maydkiisa sidoo kalena aan loo sheegin xilliga uu dhintay, balse waxaa lagu wadaa in lagu duugo qabuuraha Asmara oo u gaar ah halgamayaashii ka soo qayb qaatay dagaalkii xornimada Eretria.

Khilaafka Berhane iyo Isaias

Khilaafka Berhane iyo Madaxweyne Isaias ayaa soo bilowday xilligii uu Berhane ahaa wasiirka maaliyadda, waxayna isku maandhaafeen in miisaaniyadda dalka loo bandhigo dadwaynaha.

Sannadkii 2012, waxaa Berhane laga qaaday xilka, waxaana la fogeeyay siiyaasadda.

Saddex sano ka dib waxa uu si qarsoodi ah u qoray buug ka kooban laba qaybood oo magaciisu yahay “Dalkayga” isaga oo dibadda u diray si loo daabacao.

Berhane ayaa ku baaqay in dib loosoo celiyo Baarlamaankii dalka oo lakala diray sannadkii 2002 si loola xisaabtamo xukuumadda, wuxuuna Isaias ugu baaqay inuu iscasilo, isaga oo ku tilmaamay kaligiistalis.

Madaxweyne Isaias oo xukumayay dalkaas tan iyo markii uu ka ka go’ay Itoobiya 1991 ayaa lagu dhaliilaa inuu mamnuucay ururada bulshada, siyaasadda iyo warbaahinta madaxa-bannaan.

Qaramada Midoobay iyo hay’adaha xuquuqda aandaha ayaa in muddo ahba xukuumadda Eritrea ku eedeeynayay xadgudubyo ka dhan ah xuquuqul insaanka oo ay ka mid yihiin jirdil iyo in xabsiga loo taxaabay tobanaan kun oo qof kuwaas oo ku jira xaalad adag.

Berhane waxa uu ku dhashay dalka Eritrea sanadkii 1945-kii, waxa uu shahaadada Masterka ka qaatay cilmiga dhaqaalaha, waxa uuna ka mid ahaa halgamayaashii ka qaybqaatay dagaalkii gobonimo doonka ahaa ee ay la galeen Itoobiya. Afar carruur ayuu dhalay.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here