Thursday, September 19, 2024

Ethiopia oo beenisay inay ka laabtay is-afgaradkii Somaliland ee badda

Addis Ababa (Dawan)- Dowlada Ethiopia ayaa si cad u beeenisay warar la isla dhexmarayay saacadihii u dambeeyay   ee ku saabsanaa in ay ka laabatay heshiiska is-afagradka ahaa ee ay la saxiixatay Somaliland horraantii sannadkana

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia ayaa lagu sheegay in wararka baraha bulshada ee sheegaya in Ethiopia ay go’aansatay inay ” baabi’iso “Heshiiskii Is-afgaradka ee ay la saxiixatay Somaliland inuu yahay “wax been abuur ah.”

Warka kasoo baxay xafiiska ugu sarreeya dalkaas ayaa lagu sheeegay  sidoo kale  in  wararka rasmiga ah ee ku saabsan  siyaasada Ethiopia kaliya lagu baahiyo  baraha   rasmiga ah ee ay dowladu leedahay leedahay. Wixiii intaas kasoo harana aysan sal iyo raad lahayn.

“Xafiiska Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu shacabka kula talinayaa in ay ka feejignaadaan arrimaha been abuurka ah ee lagu faafinayo aaladaha internet-ka kuwaas oo la xiriira is-afgaradkii Somaliland”

Beenintaan ayaa imaaneysa iyadoo lagu wado in Wadahadallo ku saabsan is-afgaradkii badda ee Somaliland iyo Ethiopia ee xiisadda dhaliyay in ay dalka Turkiga uga furmaan dowladaha Soomaaliya iyo Ethiopia.

Kulamada oo ah kuwii ugu horreeyay ee fool ka fool ah ayaa billaabanaya, sida qorshuhu yahay 1-da bisha 7-aad ee soo socota.

Somaliland iyo Ethiopia ayaa kala saxiixday heshiis ay Ethiopia ku gaareyso badda, Somaliland-na ku heleyso aqoonsi iyo saami shikradda diraadaha Ethiopian Airlines 1-dii bishii January 2024.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa arrintan ka hortimid, waxa uuna dhaliyay xiisad dublamaaaisayeed oo labada dalka ka dhex dhalatay, taas oo gaartay in safaaradaha la kala qaato.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here