Monday, September 16, 2024

Ethiopian Airlines oo joojisay duulimaadyadeedi Asmara

Addis Ababa (Dawan)- Ethiopian Airlines ayaa joojisay duulimaadyadii ay ku tagi jirtay caasimadda Eritrea ee Asmara, laga bilaabo 3-da September . Shirkadda ayaa sabab uga dhigtay go’aankan xaalado adag oo ka baxsan awooddeeda oo so wajahday.

Bishii Luulyo, Ethiopian Airlines ayaa horey ugu sheegtay barta bulshada ee X in Eritrea ay joojisay duulimaadyadii Ethiopian Airlines ee Asmara laga bilaabo 30-ka Sebtember, iyada oo aan faahfaahin ka bixin sababta go’aankan.

Bayaan ay dhawaan ku shaacisay barta X, shirkadda diyaaradaha ee ugu weyn Afrika ayaa sheegtay in ay ka xuntahay wararka la xiriira joojinta duulimaadyada Asmara sababo la xiriira xaaladaha adag ee ka jira Eritrea balse, shirkaddu faahfaahin dheeraad ah kama bixin dhibaatooyinkaas ay sheegtay.

Duulimaadyada u dhexeeya Itoobiya iyo Eritrea ayaa dib loo bilaabay bishii Luulyo 2018 ka dib markii ay muddo 20 sano ah hakad ku jireen sababo la xiriira khilaafaad daba dheeraaday oo u dhexeeyey labada dal ee ku yaalla Geeska Afrika.

In kasta oo la joojiyey duulimaadyada tooska ah ee Asmara laga bilaabo 3-da Sebtember, haddana bogga Ethiopian Airlines ayaa weli liiska duulimaadyada aan tooska ahayn ee Asmara laga heli karaa.

Hay’adda Duulista Rayidka ee dalka Eritrea ayaa dhamaadkii bishii July ku dhawaaqday in la hakin doono dhammaan duullimaadyadii diyaaradda Ethiopian Airlines ee ay ku tagi jirtay Eritrea, laga bilaabo 30-ka bisha September 2024.

Hay’adda ayaa ku eedeysay diyaaradda inay xad gudub ku samaysay dadka rakaabka ah ee Eritreanka ah iyada oo lagula kacay xatooyo iyo waxyeellenta alaabtooda iyada oo aan wax magdhaw la siinin.

Waxyaabaha kale ee lagu eedeeyay Ethiopian Airlines waxaa ka mid ahaa daahitaan iyo alaab dhimin.

Tillaabadan ayaa u muuqata xiisad kale oo kusoo korortay gobolka Geeska Africa oo markii hore la daalla dhacaayay dhibaatooyin tira badan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here