Monday, September 16, 2024

Ethiopian Airlines oo markale loo aqoonsaday diyaaradda ugu wanaagsan Afrika

Addis Ababa (Dawan)- Diyaaradda Ethiopian Airlines ayaa sannadkii toddobaad oo xiriir ah loo aqoonsaday shirkadda duulimaadyada ee ugu wanaagsan Afrika, iyadoo abaal marin arrintaan la xiriita lagu guddoonsiiyay todobaadkan magaalada London.

Shirkaddu waxay sidoo kale heshay abaal-marinno saddex qaybood ah, kuwaas oo la xiriira adeegyada ay bixiso sida cuntada iyo heerarka duulimaadka.

Marka la eego qiimeynta guud ee caalamka, waxey diyaaradda Ethiopian Airlines gashay kaalinta 36-aad , iyadoo hal darajo ka hooseysa sanadkii hore.

Madaxa shirkadda Ethiopian Airlines, Mesfin Tasew, ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay guusha ay gaareen, wuxuuna yiri, “Waxaan ku faraxsanahay inaan helnay abaalmarintan caalamiga ah ee duulimaadka 2024 sannadkii toddobaad oo xiriir ah.”

Diyaarada Ethiopian Airlines , waxaa kusoo daba jira diyaaradaha kala ah Royal Air Maroc, South African Airways, Kenya Airways, iyo Rwand Air, kuwaas oo kala galay kaalinta labaad, saddexaad, afraad, iyo shanaad ee Afrika.

Shirkadda diyaaradaha ee Qatar Airways ayaa dib usoo ceshatay kaalinta koowaad ee shirkadda duuliimaadka ugu wanaagsan caalamka, waxeyna booska kala baxday Singapore Airlines oo sanadkan u dhacday kaalinta labaad.

Emirates, ANA All Nippon Airways, Cathay Pacific Airways iyo Japan Airlines ayaa kala galay kaalinta 3-aad ilaa 6-aad, marka loo eego abaalmarinta Sky Trax Airlines.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here