Sunday, September 8, 2024

EU oo ka caawinaya Soomaaliya arrimaha horumarka iyo dowlad dhiska

Brussels (Dawan)- Soomaaliya iyo Midowga Yurub ayaa magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka ku kala saxiixday lacag dhan €89.5 milyan oo Euro, oo ay ku jirto €20 milyan oo loogu tala galay in lagu kaabo miisaaniyadda dowladda si loo xoojiyo geedi socodka dowlad dhiska Soomaaliya iyo arrimaha horumarka.

Lacagataan lakala saxiixday ayaa waafaqsan qorshihii ay Midowga Yurub iyo Soomaaliya hore ugu heshiiyeen, si dowladda Soomaaliya looga caawiyo kobaca dhaqaalaha, gargaarka bini aadanimada, dib u dhiska hay’adaha dowladda iyo xoojintooda.

Jutta Urpilainen, oo ah madaxada xiriirada caalamka ee Midowga Yurub ayaa barteeda x kusoo qortay in EU iyo Soomaaliya ay iska kaashan doonaaan arrimaha dowlad dhiska, gar-gaarka bini adanimada iyo horumarka dhaqaalaha dalka.

“Midowga Yurub wuxuu iskaashi adag la leeyahay Soomaaliya. Ku dhawaaqista heshiiskaan, waxaan uga jeednaa inaan wax ka qabanno caqabadaha hortgaan horumarinta iyo dowlad dhiska Soomaaliya, iyada oo wax laga qabanayo khataraha siyaasadeed ee jira” ayay tiri, Jutta Urpilainen.

Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Abshir Cumar Jaamac ayaa ka mahadceliyay deeqda lacageed ee Midowga Yurub isaga oo sheegay in ay qeyb weyn ka qaadan doonto sii socoshada dadaallada lagu hormarinayo dib u dhiska dowladda iyo adeegyada muhiimka ah.

Hishiiskan waxa uu kor u qaadaya iskaashiga ka dhaxeeya Midowga Yurub iyo dowladda Soomaaliya, iyada oo la sii hormarinayo dadaallada wax looga qabanayo dhaqaalaha Soomaaliya iyo dowlad dhisidda, waxaana xusid mudan in labada dhinac ay horay u daah fureen mashruuca Tubta Howlaha Wadajirka ah oo loogu tala galay in lagu xoojiyo hay’adaha dowladda, maamul wanaagga, dimoquraadiyadda, abuurista fursado ganacsi iyo dhaqan gelinta hay’adaha amniga si looga hortago caqabadaha amniga.

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Brussels  uga qeyb galay dhamaadka isbuuci hore shirka Midowga Yurub iyo wadamada soo koraya, wuxuuna ka jeediyay khudbad uu uga hadlay guulaha ay dowladdu kasoo hoysay dagaalka ka dhan ka ah kooxda Al-shabaab.

Shirka waxaa looga dooday arrima badan oo ay ma mid yihiin, Tamarta, Waxbarashada, caafimaadka, iyo kaabayaasha digital-ka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here