Monday, September 16, 2024

Fahad Yaasiin oo ka baxay Nabad iyo Nolol

Muqdisho (Dawan)- Taliyihii hore ee hay’adda Nabad Sugidda Qaranka, Fahad Yaasin ayaa ku dhawaaqay inuu ka baxay xisbiga Nabad iyo Nolol ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Fahad ma sheegin sababta keentay kala tagga isaga iyo Farmaajo oo ahaa sanadihii ugu dambeeyay laba nin oo aad isagu dhaw.

“Laga bilaabo maanta, oo ay taarikhdu ku beegan tahay 1-da September 2024, waxaa soo idlaaday wadajirkii iyo wada socodkii siyaasadeed ee aan la lahaa Madaxweyne hore mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, waxaana cid walba u caddaynayaa in aanan gayb ka ahayn ololihiisa siyaasadeed ama doorasho” sidaas waxaa yiri Fahad Yaasin

Fahad waxa uu sidoo kale xusay inuu dib kasoo sheegi doono dhinaca siyaasadeed ee uu ku biirayo kadib marka uu sameeyo wadatashiyo maalmaha soo socda.

Kadib markii looga guuleystay xilka madaxtinimo, waxa uu Madaxweyne Farmaajo saldhig ka dhigatay magaalada Dooxa ee Qatar, waxaana hoos u dhacay awoodii siyaasadeed ee xisbigiisu ku lahaa gudaha dalka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here