Sunday, September 8, 2024

Falcelinta dunida iyo xubinimada Soomaaliya ee Golaha Ammaanka

Muqdisho (Dawan)- Tan iyo markii Soomaaliya loo doortay ka mid noqoshada xubnaha joogtada aan ahayn ee Golaha Ammaanka, waxaa iska soo daba dhacayay hambalyada uga imaaneysa dowladaha saaxibada la ah iyo ururada caalamiga ah ee ay xubinta ka tahay.

Soomaaliya, Pakistan, Panama, Denmark, iyo Greece ayaa shalay loo doortay in ay ka mid noqdaan Golaha Ammaanka muddoo laba sano ah oo billaabaneysa 1-da January 2025, waana marki labaad ee Soomaaliya ay ka mid noqoto Golahan.

Qaramada Midoobay

War-saxaafadeed kasoo baxay  xafiiska kaalmada ee ay Qaramada Midoobay ku leedahay Soomaaliya (UNSOM) ayaa loogu hambalyeeyay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, iyada oo gushan lagu tilmaamay mid ay Soomaaliya usoo martay waddo dheer.

“Soomaaliya waxay waddo dheer u soo gashey soddonkii sano ee la soo dhaafey tubteedda nabadda, barwaaqada, iyo amniga. Doorashada loo doortay kursiga Golaha Ammaanka waa mid lagu aqoonsanayo horumarkaas ay gaartay ee ammaanta mudan,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabisan Soomaaliya ee ku-simaha ah James Swan.

James Swan ayaa intaas raaciyay; ”  “Soomaaliya waayo-aragnimada ay leedahay ayaa ka dhigaysa mid wax-ku-biirrin karta wadatashiyada Golaha ee ku saabsan nabadda iyo amniga caalamiga ah,” ayuu raaciyay. 

Urur Goboleedka IGAD

Xoghayaha fulinta ee urur goboleedka IGAD, Dr. Workneh Gebeyehu, ayaa dhankiisa la waadaagay dowladda Soomaaliya hambalyada ku saabsan ku guuleysiga kurisga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee 2025-2026.

“Guushan cajiibka ah waxay ka tarjumaysaa horumarka muuqda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ka gaartay dhanka maamulka, xasilloonida, iyo diblomaasiyadda caalamiga ah. Waxay daliil u tahay adkaysiga iyo dadaalka ay dadka Soomaaliyeed iyo hoggaankooda uga qayb qaadanayaan nabadda iyo amniga caalamka,” ayuu yiri Dr. Workneh.

Xoghayaha fulinta ee urur goboleedka IGAD ayaa muujiyay sida uu kalsooni ugu qabo in dowladda Soomaaliya ay ku biirin doonto Golaha Ammaanka aragti qiima leh, iyada oo ka amba qaadaysaa sooyaalkeeda dheer iyo waayo-aragnimadeeda, wuxuuna kula dardaarmay in ay si firfircoon uga qayb qaadato wax ka qabashada caqabadaha ka jira dunida iyo horumarinta nabadda iyo iskaashiga caalamka.

Jabuuti iyo Kenya

Dowladaha deriska ah ee Jabuuti iyo Kenya ayaa soo dhaweeyay uguna hambalyeeyay Soomaaliya ku guuleysiga kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay 2025-2026

“Hambalyo Soomaaliya oo loo doortay xubin aan joogta ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (2025-2026). Waa arrin aad u wanaagsan inaan aragno in Caalamku aqoonsado dadaaladda dowladda Federaalka Soomaaliya” ayuu bartiisa X kusoo qoray, Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf.

Dhanka Kenya, Lataliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Kenya, Dr. Monica Juma ayaa sidoo kale u hambalyaysay Soomaaliya, waxeyna xasuusisay in ay wakiil ka tahay gobolka iyo qaaradda Afrika.

“Hambalyo Jamhuuriyadda Soomaaliya oo loo doortay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, iyadoo ah wakiil ka socda gobolkeena iyo qaaradda Afrika” ayay tiri; Monica Juma .

Hamblayada labadaan dowladood ayaa kusoo aadeysa iyaga oo bisha February ee sanadka soo socda kula tartami doona Soomaaliya qabashada xilka Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika.

China

Safaaradda Shiinaha ee Muqdisho waxa ay farriin gaaban oo ay soo dhigtay barta ay ku leedahay X ku billaawday Hambalyo!Hambalyo!Hambalyo! oo lagu qoray Af-Soomaali kadibna waxa ay raacisay, waxaan Soomaaliya ugu hambalyeyneynaa in loo doortay xubin aan joogto ahayn ee Golaha Ammaanka 2025-2026.

Qoraalka safaaradda ayaa sidoo kale lagu yiri; ” Marxaladdan muhiimka ah waxay si buuxda uga tarjumeysaa in Soomaaliya horumar la taaban karo ka gaartay nabadda iyo xasilloonida. Shiinaha waxa uu sii wadi doonaa in uu Soomaaliya kala shaqeeyo adduun nabdoon oo barwaaqo ah”

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here