Monday, September 16, 2024

Farmaajo oo ka digay in maamulka hawada lagu wareejiyo Imaaraadka

Dooxa (Dawan)- Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka digay in maamulka hawada Soomaaliyeed lagu wareejiyo dal shisheeye, sida uu ku sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray.

“Golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaan uga digaynaa hirgelinta qorshaha la xiriira in dal shisheeye ay ku wareejiyaan maamulka hawada Soomaaliyeed, taas oo ah tallaabo dhaawacaysa qarannimada iyo madaxbannaanida Soomaaliyeed”

Farmaajo ayaa sheegay in gacan ku haynta maamulka hawadu ay tahay arrin taabanaysa amniga Qaranka iyo madaxbannaanida dalka, wuxuuna tilmaamay inuu jiro qorsha la doonayo in maamulka hawada lagu wareejiyo dowladda Imaaraadka Carabta.

Farmaajo ayaa yiri; “… damaca haatan socoda ee Imaaraadka Carabta loogu wareejinayo waxa uu dib u celinayaa dadaallada naf hurka ahaa ee dib u dhiska dowladnimada Soomaaliyeed”

Farmaajo ayaa inatas raaciyay in soo celinta hawada dalka lagu bixiyey dadaal ay hureen khubaro Soomaaliyeed, hanti iyo qorsheyaal diblumaasiyeed oo adag, isaga oo nasiib darro ku tilmaamay in dano shakhsi ah oo aan laga fiirsan awgeed maanta loo burburiyo dhaxalkaas ay wadaagaan shacabka Soomaaliyeed.

Waxa uu war-saxaafadeedkiisa kusoo gabagabeeyay; ” Qalabka casriga ah ee yaalla garoommada iyo xarunta maamulka hawada Soomaaliyeed iyo khubarada waddaniga ah ee ku shaqaysa oo sannado koobaan dalkeenna ku gaarsiiyey heerka ugu sarreeya ee Class A ee dhanka hawada waxay caddayn u tahay in aysan jirin baahi loo qabi qabi karo in shirkado iyo dalal shisheeye ay la wareegaan maamulka hawadeenna”

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here