Wednesday, September 25, 2024

Farmaajo: qodobada shirka GWQ waxay khatar ku yihiin midnimada dalka

Dooxa (Dawan)- Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in qodobadii laga soo saaray shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee dhawaan lagu soo gabagabeeyay Muqdihso ay yihiin kuwa khatar ku ah dowlad-dhiska iyo midnimada dalka.

Farmaajo oo soo saaray war-saxaafadeed uu arrintaan uga hadlayo ayaa yiri, ” Qodobbada ka soo baxay shirka aan loo dhammayn ee Golaha Wadatashiga Qaran waxay sii kordhinayaan xiisadda siyaasadeed ee dalka, waxa ayna dhaawac weyn ku yihiin geeddi-socodka siyaasadda Soomaaliya, midnimada iyo wadajirka”

Farmaajo ayaa intaas raaciyay in maqnaanshaha maamul goboleedka Puntland ay muujinayso kalsooni darrada wali ka taagan Golaha iyo in Madaxtooyadu ay qaadatay go’aan ka dhan ah Federaaleynta iyo dimuqraadiyeynta dalka.

Qoraalka lagu daabacay Page-ka rasmiga ee Farmaajo ayaa lagu yiri; ” Laalidda dastuurkii la isku raacsanaa ayaa sababtay in ay lunto sharciyaddii iyo wada shaqeyntii hay’adaha dowladda”

Farmaajo ayaa xusay in shirka laga filayay in uu dib ugu laabto hannaankii dastuuriga ahaa ee la isku waafaqsanaa, isaga oo nasiib darro ku tilmaamay in wali hoggaanka dalku ay sii wadaan qorsheyaal ka turjumaya danahooda gaarka ah, kuwaas oo uga sii daraya xiisadda siyaasadeed ee dalka, wiiqayana dowladnimada iyo sharciyadda Hay’adaha Federaalka.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku eedeeyay madaxweyne Xasan inuu ku dhiira geliyay madaxda dowlad goboleedyada in ay kusii shaqeeyaan waqti aan sharci ahayn, isaga oo xusay in tillaabadaas ay dalka ku hagayso mugdi iyo hubanti la’aan siyaasadeed.

Farmaajo ayaa sidoo kale ka digay hannaanka doorashooyinka qof iyo codka ah ee ay dowladdu dooneyso in ay ka hirgeliso dalka, waxa uuna yiri: “ Nidaamka doorashada ee Madaxweynuhu uu ku hawlanyahay waxa uu caddaynayaa danihiisa gurracan ee sii kala fogeynaya shacabka Soomaaliyeed, waxaana muuqata in hannaankii doorashada laga leexinayo habraacii saxda ahaa ee ay ku qabsoomi lahaayeen doorashooyin daah-furan oo lagu wada kalsoonaan karo”.

Ugu dambayntii Farmaajo ayaa ku celiayay baaqiiisi hore ee ahaa in dhammaan siyaasiyiinta daneeya doorashada iyo shacabka Soomaaliyeed ay u midoobaan sidii dalka loogu soo celin lahaa sharciyadii iyo wada shaqeyntii hay’adaha dowladda, loogana hortagi lahaa caqabadda ku soo food leh dowladnimada iyo wadajirka Soomaaliyeed.

War-saxaafadeedka Farmaajo ayaa daba socda qoraalo sidoo kale ay qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ah ay uga soo horjeesadeen qodobadii kasoo baxay shirka Golaha Wadatashiga Qaran.

Madaxweynihii xilligii kumeel gaarka ahaa , Shariif Sheekh Axmed iyo xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ka mid ah siyaasiyiinta sida tooska ah uga hor yimid qodobadii laga soo saaray Shirka 9-aad ee Golaha Wadatashiga Qaranka

Shirka ayaa laga soo saaray dhowr qodob, waxaana ugu muhiimsanaa in Goluhu ku dhiiri galiyay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya inay dardargeliyaan ansixinta cutubyada harsan ee Dastuurka iyadoo la tixgelinayo heshiisyadii GWQ ee kaabayay dhameystirka Dastuurka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here