Wednesday, October 2, 2024

Farriimaha socdaalka Laftagreen ee Muqdisho

Muqdisho (Dawan)- “Socdaalka Madaxweynaha ayaa ah ka qeybgalka Shirk Golaha Wadatashiga Qaran oo lagu wado inuu ka furmo Magaalada Muqdisho ee caasimada Dalka kaasi oo looga hadli doono Xaaladaha guud ee ka jirta Dalka” waa farriinta ay baahisay madaxtooyada Koonfur Galbeed kadib markii Cabdicasiis Laftagareen kasoo degay maanta Garoonka Diyaaradaha Aadan Cade ee Magaalada Muqdisho.

Balse waxaa la arki karay farriimo kale oo muujinayay heerka ay gaarsiisantahay xiisadda federaalka iyo Koonfur Galbeed.

Waa marka koowaadee, Laftagareen waxa uu watay ilaalo iyo hub gaar ah sida ka muuqatay muuqaalo la baahiyay xilligi uu soo degay iyo sawiro laga qaaday ciidan saaran diyaaradda uu la socday.

Waa farriin tilmaameysa kala shakiga weli iyo kalsooni darrada ka dhax jirta labada dhinac in kasta oo horay loo gaaray is-afgarad ah in la qaboojiyo xiisadda.

Farriinta labaad waxay ahayd tirada Xildhibaanada ka tirsan labadda Aqal iyo siyaasiyiinta kale ee buux dhaafiyay gudaha garoonka taas oo muujineysa taageerada uu haysto Madaxweyne Laftagareen.

Waa gorgortan uu kusii xajisan karo hoggaamintiisa Koonfur Galbeed haddii uu si dheelitiran u maareeyo siyaasadaha is diidan ee hadda ka taagan dalka, sida ay qabaan dadka sida hoose ula socda arrimaha siyaasadda.

Madaxweynaha Dowalad Goboleedka Koonfur Galbeed C/casiis Laftagareen ayaa ogolaaday ka qeyb galka shirka Golaha Wadatashiga Qaran kadib markii taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan uu fududeeyay inay khadka taleefoonka ku wada hadlaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, lana qaboojiyo khilaafka siyaasadeed.

Kaliya laba jeer ayuu dhacay shirka golaha wadatagiga qaran ee sanadkaan, kuwaas oo kala ahaa 3dii Janaayo iyo 15kii May. Waxa baaqday 20kii April, madal lagu balansanaay in ay Muqdisho ka dhacdo sababo aan kor loo sheegin oo lagu soo koobay arrimo farsamo.

Waa tiro ka yar kulamadii madasha ee bilowgii dib u doorashadii madaxweyne Xasan. 7dii bil ee ugu horeeysay xukunka Xasan, waxaa la qabtay tiro 4 jeer ah oo dhamaan ay ka soo wada qeyb galeen dowlad gobleedyada iyo gobolka Banaadir.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here