Sunday, September 8, 2024

Fatahaado laga cabsi qabo in ay ku dhuftaan Ismaamulka Gaarisa

Gaarisa (Dawan)- Maamulka Ismaamulka Gaarisa  ayaa kulan deg-deg ah ka yeeshays sidii loo howl galin lahaa kooxaha gurmadka ee arrimaha fatahaadaha kuwaas oo la socon doona xaaladda fatahaadaha laga cabsi qaabo in ay ku dhuftaan ismaamulka ka dib marki ay buux dhaafeen todoba ka mid ah biyo xiireenada deegaanada kala duwan ee Gaarisa

Maamulka ismaamulka Gaarisa oo kaashanaya waaxda barnaamijyada  gaarka ah ee degmada ayaa soo abaabulay kulan ay kasoo qeyb galeen dhinayada kala duwan ee hay’adaha ay quseyso si loogu diyaar garoobo loona xoojiyo dadaalladda looga hortegayo saamenyta ka dhalan karta fatahaadaha laga cabsi qabo.

Kulanka ayaa lagu go’aamiyay in lala yimaada xeelado dhameystiran oo lagu yareynayo saameynta fatahaadaha soo socda iyo in taageero buuxda loo fidiyo bulshooyinka nugul.

Waxaa sidoo kale lasoo jeediyay in si joogta ah loola socdo xaaladda fatahaadda iyo saadaasha jirta, si kor loogu qaado dadaaladda abaabulka ah iyo hannaanka ka hortagga dhibaatada fatahaaadaha.

Sida ay sheegtay Waaxda Maareynta Masiibooyinka Kenya, Ismaamulka Gaarisa ayaa ka mid ah a meelaha laga casbi qabo in ay ku dhuftaan fatahaado xoog badan kadib markii uu biyo bax billaabay Wabiga Tana ee mara Gaarisa sidoo kalena ay buux dhaafeen qaar ka mid ah biya xireenada.

Ila hadda fatahaadaha ku dhuftay Kenya ayaa jaray shan waddo oo waaweyn oo ay ku jirto waddada Gaarisa ee ku xiraysay waqooyi bari dalka Kenya intiisa kale.

Taan iyo billaawgii xili roobaadkan ee billawday bartamihii bishii March ku dhawaad 20,000 oo qof ayay saameeyeen roobabka curtay kuwasi oo 15,000 oo ka mid ay ay ku barakaceen roobab mahiigaan ah oo watay fatahaaddo dalka Kenaya oo dhan, sida ay sheegtay hay’adda Qaramada Midoobay ku qaabilsan isku xirka arrimaha bini’aadantinimada oo soo xiganaysa Ururka Laanqeyrta Cas ee Kenya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here