Saturday, November 23, 2024

Finland oo dooneysa in xaaladda Geeska Afrika laga gaaro xal waara

Jabuuti (Dawan)- Ergayga Gaarka ah ee Finland u qaabilsan dhexdhexaadinta nabadda ee Geeska Afrika, Suldaan Saciid Axmed, ayaa magaalada Jabuuti kulan kula yeeshay madaxda sare ee dalkaas, oo ay ka mid yihiin Ra’iisul Wasaare Cabdulqaadir Kaamil Maxamed , Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamuud Cali Yuusuf , iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Dileita Maxamed Dileita.

Kulankan ayaa lagu gorfeeyay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga nabadeynta ee u dhexeeya Finland iyo Jabuuti, iyadoo ay labada dhinac si qoto dheer uga hadleen muhiimadda ay leedahay nabadeynta iyo ku dhaqanka sharciga caalamiga ah.

Ergayga Finland ayaa xusay in, inkastoo Jabuuti iyo Finland ay yihiin dalal yar yar, inay haddana leeyihiin qibrado waxtar leh oo ay ku biirin karaan nabad-dhisidda, gaar ahaan xilligan muhiimka ah ee gobolka Bariga Afrika oo uu ku sii kordhayo iska hor imaadka hubaysan iyo qalalaasaha siyaasadeed.

” Waxaan yeelanay wadahadal wanaagsan oo ku saabsan horumarka gobolka, xiriirka ka dhexeeya Finland iyo Jabuuti iyo muhiimadda ay leedahay in laga shaqeeyo horumarinta guud ee caalamaka iyada oo loo marayo hannaan sharci ah” sidaas waxaa bartiisa “X” kusoo qoray Suldaan.

Danjire Suldaan ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in socdaalkiisa nabadaynta uu sii wadan doono, isagoo u gudbi doona Itoobiya iyo Soomaaliya, halkaas oo xiisadda u dhexeeya labada dowlad ay cirka isku sii shareertay tan iyo billowgii sanadkan.

Socdaalkan ayaa imaanaya xilli uu sii kordhayo qalalaasaha ka jira Bariga Afrika,  gaar ahaan Itoobiya iyo Soomaaliya kadib markii ay Addis Ababa heshiis dhanka badda ah la gashay Somaliland.

Finland ayaa u muuqa inay kusoo biirtay dowladaha doonaya in xal siyaasadeed laga gaaro xaaladda cakiran ee ka taagan Geeska Afrika, iyada oo soo dirsatay wakiil si hoose u fahmi kara arrimaha la isku hayo iy habdhanka bulshada ku nool Geeska Afrika.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here