Monday, November 25, 2024

Fiqi: Aqbali mayno “ku qabso ku qadi mayside”

Ankara (Dawan)- kadib markii lagu kala kacay wadahadalladii labada maalin qaatay ee Ankara uga socday Soomaaliya iyo Itoobiya si xal looga gaaro khilaafkii dhanka badda ayuu sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya in lagu ballamay wareeg seddexaad oo wadahadal ah.

Axmed Macallin Fiqi ayaa X kusoo qoray farriin u qorneed sida soo socota; “Waxaa soo dhamaaday wareeggii 2aad ee wadahadlka inoo dhexeeyey annaga & dawladda aan deriska nahay. Mahad ballaaran walaalaheen Türkiye oo dadaal weyn bixiyey, gogosha 3aadna dalkooda lagu ballamay. Soomaaliya mawqifkeedu waa hal mid oo aan aqbalayn “ku qabso ku qadi mayside”

Hadalka Fiqi ayaa sii adkeeyay warkii ahaa in Soomaaliya ay shardi uga dhigtay wadahadallada fool ka foolka ah in marka hore Itoobiya ka laabato is-afgaradkii ay la gashay Somaliland.

Turkiga ayaa sameeyay dadaal xoogan balse waxay u muuqataa inuu socon waayay qorshihiisi ahaa in Itoobiya ay hesho marin badeed iyada oo loo marayo Soomaaliya, shakina aan gelin midnimada iyo madaxbannaanida siyaasadeed ee Soomaaliya.

Cali Balcad: Waxaan rajo ka qabnaa wareegga 3-aad

Si ka af diblomaasiyadeysan Fiqi, waxaa isaguna u hadlay Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), isaga oo rajo ka muujiyay heerka laga gaaray wadahadallada labada dhinac inkasta uu carrabka ku dhuftay inay jiraan caqabado ku horgudban in la gaaro is-fahan dhameystiran,

” Waxaan hore u qaadnay tillaabo wax ku ool ah oo ku wajahan sidii aan uga gudbi lahayn caqabadaha ka dhashay Is-fahamkii sharci-darrada ahaa ee Itoobiya. Inkasta oo aanaan la gaarin heshiis kama dambays ah, waxaan rajo ka qabnaa wareegga saddexaad ee soo socda” Sidaan waxaa isaguna af English ku qoray Cali Balcad oo u muuqday inuu diryo farrin diblomaasiyadeed oo ku wajahan gobolka iyo caalamka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here