Saturday, September 7, 2024

Fiqi iyo Aboul Gheit oo kawada hadlay caqabadaha gobolka

Qaahira (Dawan)- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, oo hadda ku sugan dalka Masar, ayaa maanta oo Sabti ah la kulmay Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Mudane Ahmed Aboul Gheit, isaga oo kala hadlay hannaanka lagu xoojin karo iskaashiga, isku duwidda iyo adkaynta taageeridda qarannimada Soomaaliya.

Intii kulanka lagu guda-jiray, Wasiir Axmed Fiqi ayaa uga mahadceliyay Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta taageerada Jaamacadda ee joogtada ah iyo garab-istaaggeeda dhowridda midnimada iyo madax bannaanida Soomaaliya.

Kulanka ayaa lagu falanqeeyay ballaarinta iskaashiga iyo xoojinta ujeedooyinka wadaagga ah ee Soomaaliya iyo Jaamacadda Carabta u dhexeeyay, iyadoo si firfircoon looga shaqaynayo dejinta istiraatiijiyado wax ku ool ah oo looga hortago caqabaha heer gobol, waxaa sidoo kale kulanka lagu faaqiday xaalidihii ugu dambeeyay gobolka geeska afrika iyo mowqifyada caalamiga ee labada dhinac muhiimadda gaarka ah u leh.

Fiqi oo booqasho ku jooga dalka Masar ayaa sidoo kale kulamo la qaatay mas’uuliyiinta dalkaas, isaga oo kala hadlay xoojinta xiriirka labo geesoodka iyo soo banbixinta fursadaha cusub ee iskaashiga si kor loogu qaado dano wadaagga labada dal ee Soomaaliya iyo Masar.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here