Thursday, September 19, 2024

Fiqi iyo Xoghayaha OIC oo kawada hadlay iskaashiga labada dhinac

Jeddah (Dawan)- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta ka qayb galay shir aan caadi ahayn oo Ururka Iskaashiga Islaamka uu maanta ku yeeshay magaalada Jeddah, ee dalka Sacuudi Carabiya.

Shirka ayaa looga hadlay sidii loo joojin lahaa xadgudbyada ay Israel ka waddo dhulka Falastiin iyo dilkii Ismaaciil Haniyeh loogu gaystay magaalada Tehran ee dalka Iran todobaadki hore.

Dhanka kale wasiir Fiqi ayaa si gaar kulan ula qaatay Xoghayaha Guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka, Xuseen Ibraahim Daaha, isaga oo kala hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga labada dhinac.

Wasiir Axmed Fiqi ayaa carrabka ku adkeeyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta wada shaqaynta kala dhaxaysa ururka OIC si kor loogu qaado doorka ururka ee horumarinta Soomaaliya, wuxuuna ka warbixiyay horumarka laga gaaray dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, bini’aadantinimada iyo amniga ee Soomaaliya.

Dhankiisa, Xoghayaha Guud ee ee Ururka Iskaashiga Islaamka, Xuseen Ibraahim Daaha, ayaa bogaadiyay dadaallada dowladda Soomaaliya ee ku aaddan xaqiijinta horumarka, xasilloonida, iyo la dagaallanka kooxaha argagixisada isaga oo xaqiijisay sii wadista taageerada joogtada ah yoolalka istiraatiijiga ah ee Soomaaliya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here