Monday, September 16, 2024

Fiqi oo cambaareeyay faragelinta ay Itoobiya ku hayso Soomaaliya

Beijing (Dawan)- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta oo Khamiis ah ka qayb galay shirka tobnaad ee Madasha Iskaashiga Carabta iyo Shiinaha oo ka furmay magaalada Beijing ee caasimadda dalka Shiinaha.

Madasha oo uu furay Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping, waxaa goob joog ahaa madax Carbeed oo ay ka mid yihiin Boqorka Bahrain, Xamad bin Ciisa, Madaxweynaha Masar, Cabdifataax Al-Sisi, Madaxweynaha Imaaraatka Carabta, Sheekh Maxamed bin Zayed Al Nahyan, Madaxweynaha Tuunis, Qays Saciid, iyo Ra’iisul Wasaaraha Liibiya, Cabdulxamiid Al-Dabaiba.

Wasiir Fiqi oo khudbad ka jeediyay Madasha ayaa tilmaamay xiriirka qotoda dheer ee taariikhiga ah, ee ku dhisan dhaqanka, aqoonta iyo ganacsiga ee ka dhexeeya Shiinaha iyo dalalka Carabta, isaga oo carrabka ku dhuftay in Soomaaliya ay tahay dalkii ugu horeeyay ee ku yaal Bariga Afrika ee xiriir diblomaasiyadeed la yeesha Shiinaha.

Wasiirka ayaa caddeeyay in Soomaaliya ay ka go’an tahay sare u qaadida iskaashiga kala dhexeeya Shiinaha si loo gaaro faa’iidooyin dhaqaale, wuxuuna hoosta ka xariiqay in Soomaaliya ay si dhab ah u taageereyso mabda’a midnimada Shiinaha ee ah in Taiwan ay qayb ka tahay dhulwaynaha Shiinaha.

Dhanka kale, Wasiir Fiqi ayaa cambaareeyay isku dayga ay Itoobiya ku doonayso inay ku farageliso arrimaha gudaha ee Soomaaliya kadib marki ay heshiis la gashay gobol ka mid ah gobollada Soomaalida, sida uu Fiqi u dhigay hadalkiisa.

Waxa uu Wasiirku arrintan ku tilmaamay inay qayb ka tahay damaca taariikhiga ah ee ay Itoobiya ku doonayso inay ku hesho deked Soomaalyeed, taas oo xad-gudub ku ah madax-bannaanida Soomaaliya, isla markaana khalkhal gelinaysa xasilloonida gobolka, wuxuuna ka digay in ay samaaeyn ku yeelato amniga Carabta, gobolka iyo caalamka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here