Saturday, September 7, 2024

Fiqi oo Siihayaha Safaaradda Liibiya kala hadlay badqabka muhaajiriinta

Muqdisho (Dawan)- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta oo Talaado ah ku qaabilay xarunta Wasaaradda, Siihayaha Safaaradda Dowladda Liibiya ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Nasr Mohamed Assanosi.

Wasiirka iyo Siihayaha Safaaradda ayaa kawada hadlay xaaladihii ugu dambeeyay dalka Liibiya iyo siyaabaha lagu xoojin karo xiriirka labo geesoodka iyo iskaashiga labada dal u dhexeeya.

Kulanka waxaa sidoo kale diiradda lagu saaray dhowr arrimood oo muhiim ah, gaar ahaan arrinta muhaajiriinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Liibiya, tallaabooyinka lama huraanka ah ee lagu hagaajin karo xaaladdooda nololeed, badqabkooda, ilaalintooda iyo u fududeynta in ay si iskood ah oo nabad-qab ah ay dib ugu soo laabtaan dakooda.

Dhawaan laamaha amniga ee dalka Liibiya ayaa sheegay in ugu yaraan 107 tahriibayaal ah oo ay ku jiraan haween iyo caruur in laga soo badbaadiyay koox afduub ugu haysatay tuulo ku taal Koonfur Bari ee dalkaas.

Sida uu sheegay Af-hayeen u hadlay waaxda dambi baarista ee magaalada Benghazi, tahriibayaasha lasoo badbaadiyay ay kasoo kala jeeday dalalka Afrika laakin intooda badan waxa ay ahaayeen Soomaali, inkasta uusan carrabaabin tirada Soomaalida.

Dowladda Soomaaliya ayaa bishii October ee sannadkii hore ku guuleysatay in dalka dib ugu soo celiso in ka badan 100 muwaadiniin ah kuwaas oo ku xayirnaa dalka Liibiya.

Dadka lasoo celiyay ayaa intoodan markii hore qaab tahriib ah ku galay Liibiya si ay uga sii gudbaan qaaradda Yurub, iyada oo qaarkood ay gacanta u galeen kooxaha burcadda ah ee dadka ka qaata lacago madax furasho ah.

Sida ay sheegtay Hay’adda Socdaalka Adduunka ee IOM, celcelis ahaan inta u dhaxaysa 2,500 ilaa 3,000 oo qof ayaa ku dhinta ama lagu waayaa badda sannad kasta.

Sannadkii 2023, xogtu waxay muujinaysaa in tirada guud ee dadka la la’yahay iyo dhimashadu in ay gaareyso 2,652 oo qof.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here