Monday, September 16, 2024

Fiqi: Qatar waxay Soomaaliya u tahay saaxiib istiraatiiji ah

Dooxa (Dawan)- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada Dooxa ee caasimadda Qatar ka daahfuray Shirweynaha Qurba-joogta Soomaaliyeed oo socon doona ilaa 24-ka bishaan, waxaana kasoo qayb galay in ka badan 250 qof oo ka kala yimid daafaha dunida sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Macallin Fiqi.

Isku xirka qurboogta dhexdooda, kaa faa’idaysiga awooddooda, ku xirka dalkooda hooyo iyo isku xirka dowladda iyo Qurba-joogtu, waa hadafka ugu weyn ee shirweynahan” ayuu yiri, Fiqi.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Macallin Fiqi, ayaa bogaadiyay dowladda Qatar oo markii ugu horeysay martigelineysa shirkan, wuxuuna ku tilmaamay inay Soomaaliya u tahay saaxib istiraatiiji ah oo ay wadaagaan xiriir soo jireen ah iyo walaaltinimo dhow.

Aqoonyahano, fannaniin, ganacsato, xirfadley, weriyaal iyo shakhsiyaad ka kala socda ururada bulshada ayaa ka qayb qaadanaya shirwaynaha Qurba-joogta oo sannadkan loosoo wareejiyay Qatar.

Ka qaybgalayaashu waxay fursad u heli doonaan inay soo bandhigaan fikradahooda iyo waaya aragnimadooda si loo abuuro iskaashi cusub oo gacan ka gaysan kara dib u dhiska iyo horumarka Soomaaliya.

Shirka waxaa sidoo kale lagu iftiimin doona guulaha ay soo hoyeen Qurba-joogta, kuwooda ku nool weli dibadda iyo kuwa kale ee kusoo laabtay dalkooda kana qaybqaatay dib u dhiska iyo maalgelinta dalka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here