Monday, September 16, 2024

Fiqi: Soomaaliya ayaa iska leh go’aanka ciidamada ka mid noqonaya AUSSOM

Muqdisho (Dawan)- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa markale ku celiyay sida ay uga go’antahay dowladda adkaynta midnimada dhuleed ee dalka Soomaaliya.

Wasiirka ayaa hadalkaan ka sheegay maanta oo Arbaco ah xilli uu xog-waran ka siinayay Agaasimayaasha waaxyaha iyo lataliyeyaasha sare ee Wasaaradda wadahadalladii Ankara ee dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya ee ay dhex-dhexaadinaysay Dowladda Turkiga oo labadii wareeg ee qabsoomay aan wax natiijo miro-dhal ah laga gaarin.

Wasiirku ayaa caddeeyay in Soomaaliya ay wadahadalka u gashay si niyadsami leh, taasi oo saldhig u ahayd xiriirka sokeeye ee kala dhexeeya Turkiga, ayna aqbaleen casuumaadda wadahadalka iyadoo loo cuskanayo xiriirkaasi.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa sidoo kale xusay in Soomaaliya ay leedahay go’aanka ciidamada ka mid noqon doona howlgalka AUSSOM ee billaaban doona bisha January ee sannadka 2025 kadib bixitaanka ATMIS.

Fiqi ayaa dhanka kale ku eedeeyay in ciidamada Itoobiya ay ku dileen Soomaaliya dad ka badan 20,000 oo qof sannadihii 2007 iyo 2008, iyada oo sidoo kale la barakiciyay kumanaan qof oo shacab ah kuwaas oo la dumiyay guryahoodi.

Wasiirku waxa uu hoosta ka xariiqay in Soomaaliya marna aqbali doonin in wax loo dhimo midnimadeeda iyo qarannimadeeda, si la mid ahna ay is-hortaagi doonto damac weliba oo leh ujeeddo is-ballaarin ah. Waxa uu si cad u sheegay in Soomaaliya ay aqbali karto oo qura nafci wadaag ay la yeelato Itoobiya oo saldhig u ah ganacsi.

“Ma ahan in loo oggolaanayo in ay gaaraan, kuna galaan badda si ku dhisan dano milatari ama u madax-bannaanaansho maamul ama oggolaansho halbeeggiisu yahay joogitaan dheer ama mid kooban intaba” ayaa lagu yiri, qoraal kasoo baxay Wasaaradda.

Fiqi ayaa tilmaamay in is-fahan weliba oo lala gaaro Itoobiya uu noqon doono mid ku suntan qawaaniinta iyo xeerarka caalamiga sida heshiiska Qaramada Midoobay ee Qaanuunka Badaha (UNCLOS).

Wasiirku waxa uu soo hadal-qaaday dhaq-dhaqaaqa Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, oo uu ku sheegay mid uu ku doonayo inuu dab ku holciyo geeska Afrika si uu uga duwo dadka xaaladaha ka taagan gudaha dalkiisa ee ragaadiyay nidaamkiisa, isaga oo ka digay in hab-dhaqanka noocaasi uu keeni doono in rabshado iyo deganaansho la’aanta ay ku baahdo gobolka.

Itoobiya waxay ku adkaysanaysaa inay xaq u leedahay gaaridda badda halka Soomaaliya ay ku dhegantahay mabda’a ixtiraamidda madaxbannaanideeda iyo midnimadeeda dhuleed waxeyna dooneysa in laga laabto is-afgaradkii badda ee Itoobiya iyo Somaliland wadagaareen horaantii sannadkan

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here