Thursday, September 19, 2024

Gaadiidka Badda mala nidaaminkara sida Gaadiidka Hawada?

Muqdisho (Dawan)Waxaa qoray agaasimihii hore ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Cabdiraxiim Warsame

Mudooyinkii dambe, waxaa Maamulka Hawada Soomaaliya gacan ku haysa DFS, taas oo siinaysa awood buuxda inaan lagu soo xadgudbi karin Hawadeena, islamarkaana noqotay il dhaqaale oo muhim ah bacdama meesha dalkeena ku yaal aan laga maarmayn in la maro mar walba, waxaana la saxay dhammaan daldalooladii wax u dhimayey gobanimada iyo jiritaanka dal ahaan.

Xadgudubka ka dhaca Gaadiidka isticmaala Badaha Soomaaliya

Ahmed Daud oglo, Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Turkiga marna ahaa Wasiirka Arrimaha dibadda dalkiisa, waa ninka kaliya ee loogu magac daray injineerka Siyaasadda Turkida, sababtoo ah waa ninka qorey buugga aadka u fidey ee dhammaan Xarumaha cilmibaarista Siyaasadda yaal ee lamagac baxay ( Istiraatiijiyad Qotta dheer, Turkiga goobta uu dhaco iyo Saameyntiisa Saaxada Caalamiga ah) buuggan ayaa lasoo saaray 2001, wuxuna ku soo baxay luuqadda Turkida, 2010kii ayaa loo rogay luuqadda Carabiga waxaana rogay Machadka cilmibaarista ee Aljazeera waana 600 bog.

Waxaa la sheegaa buugan inuu yahay dhabbaha dowladda Turkiya ee 20 sano ugu dambeeyey, meelaha buuggu ahmiyadda siinayo waxaa kamid ah geeska afrika waliba Soomaaliya. Siyaasadda Turkiya ee hadda waxay ku socotaa tilmaamaha buuggan..

2012 mar uu ka hadlayey Soomaaliya Ahmed Daud oglo wuxuu sheegay, haduu fursad uu u helo buug inuu qoro inuu qori doono ( Ahmiyadda Istiraatiijiyad ee Soomaaliya ay leedahay) wuxuu sii raaciyey Soomaaliya waxay isku xirtaa badda cas iyo badweynta hindiya, waxay isku xirtaa qaaradda Aasiya iyo Afrika, waxay isku xiriirisaa dhammaan badaha, waxaa mara sanadkii 33 kun oo markab oo ka ah dunida 14%, una dhiganta dhaqaale ahaan 1.8 trillion dollar sanadkii, 26% shidaalka aduunka wuxuu maraa badda Soomaaliya qiimahiisana lagu qiyaasay 315m oo dollar. Waxaa kaloo lagu qiyaasaa dhaqaalaha kalluunka nala dhaco sanadkii 300m sida uu qorey ururka One earth future, cilmibaaris uu daabacay dhowr sano ka hor in intaas ka badan tahayna waa dhaci kartaa.

Gaadiidka Badda wuu ka wax soo saar badan yahay gaadiidka cirka, sababtoo ah isticmaalka nolosha oo idil waxaa la mariyaa badda, ganacsiga ugu badan waxaa loo isticmaalaa badda, dowladda Masar Suweys kanal waxaa uga soo xarooday sanadkii tagay 9.4b oo dollar.

Maloo xakameyn karaa badda sida hawadaba loo xakameeyey?

Haa, waa la xakameyn karaa. Waxay u baahan tahay nidaamin iyo diyaar garow dhameystiran. xeerarkii aan ku maamuli lahayn waa diyaar waa yaalaan, kuwa anaga noo gaar ah iyo kuwa caalamiga ahba, waxaa loo baahan yahay qalabkii lagu kantarooli lahaa badaha laguna ogaan lahaa markabka ama doonta soo gashay, looguna fasixi lahaa galis iyo bixid, ogolaanshaha ka howlgalidda baddeena, maritaanka baddeena, u hogaansamidda xeerarka caalamiga ah iyo kuwa dalku leeyahay, sameynta habraaca diiwaangalinta iyo qaadashada calanka buugga markabka, diiwaangalinta shaqaalaha markabka ama doonta. Gaadiid kasta waxaa waajib ku ah inuu soo sheego goobta uu ku socdo dekedda uu rabo iyo waxa uu sido inta uusan biyaha dalka uusan soo galin, haduusan khatar soo wajahdey ku sugnayn xiligaas.

La socodka dhaqdhaqaaqa badda maxaa loogu baahan yahay?

Waxaa loo baahan yahay dhisidda xarumhii lagula socon lahaa Maritime information Centers iyo Maritime operations centers, oo laga abuuro xeebaha dalka, si xogta marka la helo loo soo qabto gaadiidka soo xadgudbay, xarunta ugu weyna waa inay noqotaa magaalo madaxda. Waxaa si sahal ah looga warhayn karaa xeebaha iyo dekedaha dhammaan, sida hawada looga amar qaato la isagana diiwaangaliyo ayaa gaadiidka badduna isu diiwaangalin lahaa. Maraakiibta gudbaya ee aan dekedaha Soomaaliya u socon xitaa waa lagula socon lahaa.

Baddeena inay muddo iska furnayd oo albaab laga galo iyo mid laga baxo midna lahayn waxaa u dheer, inaan ilaa hadda la casriyeynin khariiradda ama Mapka baddeena oo ay tahay tii guumeystaha nooga tagay oo aan mid kale lasameyn. Tan iyo heshiiskii caalamiga ahaa ee badaha markuu dhaqan galay nooma suuragalin dowlad ahaan xilina burbur ayaan kujirnay xilina heshiisba laguma ahayn badda, dhaqangalka heshiiska UNCLOS3 wuxuu ahaa 1993.

Dowladdii hore ee Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa gudbisay iyadoo qoraal ah oo aan map lasocon, xiligaas oo ahayd bil ka hor intaan dacwadda lafurin dacwaddii Kenya, in khariiradda oo sawiran lasameeyo waxaa ku baxaya dhaqaale aad u tirabadan waxayna u baahantahay in loo kireeyo shirkado howlahaas qabta aqoona u leh cilmiga Tobogoraafiyada, markay ay dhameeyaana loo gudbiyo UN ka, kadib loo qaybiyo dowladaha xubnaha ka ah UN ka. In la gudbiyo khariiradda badda waxaa dhigaya sharciga badaha adduunka waana arin lagama gudbaan ah. Inta badan dowladaha waa gudbiyeen.

khariiraddii qoraalka ahayd ee lagudbiyey 2014 waxaa kasoo falceliyey laba dowladood markii la faafiyey oo yiri dood ayaan ka qabnaa, Yemen iyo Jabuuti. Dowladda Yemen isla markiiba dooddeeda waa soo dirtey waana la faafiyey, halka Jabuuti ay soo hadashay afar sano kadib.

Baddu ma sahlana. Dunida casriga ah waxaa loo bixiyey, dhaqaalaha buluugga ah sababtoo ah nolosha oo idil ayaa ku xiran, qofkii Alle ku manaysto waa inuu ilaashadaa kana faa’ideystaa.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here