Monday, September 16, 2024

Gaarisa: In ka badan 12 kun oo arday oo la siiyay deeq waxbarasho

Gaarisa (Dawan)- Xildhibaanka laga soo doorto deegaanka Lagdera ee Ismamulka Gaarisa, Maxamed Cabdulqaadir ayaa deeq dhan 76 million oo lacagta Kenya ah ugu deeqay ardayda saboolka ah ee ku nool  deegaankiisa

Xildhibaanka ayaa sheegay in deeqdaan ay ka faa’iidaysan doonan in ka badan 12kun oo arday kuwaas oo dhigta Dugsiyada Sare, Jaamacadaha , Machadyada iyo Kulliyadaha tababarka farsamooyinka gacanta

Xildhibaanka ayaa sidoo kale caddeeyay in ay tageeerayaan dadaallada Dowladda ee lagu doonayo in dhamaan caruurta Kenya ay helan hannaan waxbarasho oo dhameystiran, wuxuuna ballan qaaday inuu maal gelin doono waxbaridda carruurta Lagdera si ay u noqdan kuwo wax soo saar leh oo anfaca bulshada.

Carruurta aan Waalidiintoodu awoodin in ay ka bixiyaan qarashaadka waxbarashada ayaa ku qasbanaada in ay iska joogaan guryaha, taas oo dhibaato ku ah mustaqbalka carruurta.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale ugu deeq waxbarasho dhamaystiran 60 arday oo wax ka barta Jaamacadda Magaalada Gaarisa ee lagu baarto xirfadda Macallinimada kuwaas oo ka soo jeeda deegaanka Lagdera.

Sannadkii hore ayay ahayd markii  in ka badan 120 Macallin ay diideen in ay xaadiriyaan Dugsiyadii ay wax ka dhigayeen xilli ardayda ay isku diyarinayeen imtixaanaadka qaran ee dalka Kenya.

Macallimiinta aan u dhalan deegaanka ee usoo shaqa tagi jiray ayaa cabsi daran soo foodsaartay ka dib weerarkii Jaamacada Gaarisa ee 2015 kaas oo lagu dilay 148 arday.

Saameynta weerarkaas ayaa keentay in Gobolada Waqooyi-Bari ee Kenya ay ku timaado hoos u dhac dhanka tayada waxbarashada iyo kaabayaasha dhaqaalaha ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here