Friday, September 20, 2024

Gabadha Ilhaan Cumar oo Falastiin darteed ku weysay waxbarashadeedi

Washington (Dawan)- Israa Xirsi, oo ah gabadh ay dhashay Ilhaan Cumar oo ah xildhibaanad ka tirsan xisbiga Dimoqraadiga ee Mareykanka ayaa sheegtay in laga joojiyay waxbarashadeedi jaamacadda Columbia, ka dib markii ay ka qayb qaadatay mudaharaad lagu taageerayo Falastiin oo ka dhacay jaamacadda.

Israa ayaa ku qortay barteeda “X”: “Waxaan isku duba ride ka ahay oo la shaqeeya kooxda Columbia University Apartheid Divest. 3 sano oo aan dhiganayay Barnard College, weligay layma canaanan, laymana siiniin digniin edbin ah. Hadda waxaaan helay ogeysiis ah in aan ka mid ahay saddex arday oo waxbarashada laga joojiyey.”

Israa ayaa intaas raacisay, in ay sameyn doonto dhabar adeeg, inta ay ka mira dhalinayaan yoolkooda oo ay ka mid tahay in maalgashiga lagala laabto shirkadaha ka qeyb qaadanaya gummaadka shacabka Falastiin, sidoo kalena cafis loo fidiyo dhammaan ardayda la kulanta cadaadiska.

Barnard College wax faahfaahin ah kama bixin go’aanka ka dhanka ah Israa iyo asaxaabteeda balse waxa ay bayaan ay soo saaraty ku sheegtay in qaar ka mid ah ardaydu ay sameeyeen bannaan bax aan fasax loo haysanin kadibna la siiyay digniin ah in ay joojiyaan bannaan baxa ama ay la kumi doonaan ciqaab.

Xildhibaanad Ilhaan Cumar ayaa garab istaag u muujisay gabadheeda iyada oo barteeda X kusoo qortay in ay tahay wax lagu faano sida ay Israa uga qeyb qaadatay mudaaharaadyo badan iyada oo da’yar, haddana ay qeyb ka tahay ololaha looga soo horjeedo xasuuqa Falastiin.

Ilhaan waxa ay sheegtay in dadka Mareykanku ay xaq u leeyihiin in hadal, mudaaharaad iyo kulamo ku cabbiri karaan waxyaabaha ay rabaan in wax laga beddelo.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here