Thursday, September 19, 2024

Ganacsi oo kaliya.. Jabuuti oo ka laabtay inay Deked siinayso Itoobiya

Jabuuti (Dawan)- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa beeniyay wararka sheegaya in Dekedda Tadjoura lagu wareejinayo ama la siinayo Itoobiya.

Wareysi  uu siiyey TV-ga gaar ka ah ee dowladda Jabuuti ayuu Wasiirku carrabka ku adkeeyay in Dekedda Tajuura, sida dekedaha kale ee dalka, ay ka mid tahay dhaxalka qaranka Jabuuti oo aanan la iibin doonin ama la siin doonin cid kale oo shisheeye ah.

Wasiirku wuxuu cadeeyay in qorshaha dowladda uu yahay in Dekedda Tadjoura ay sii ahaato mid shaqeysa oo faa’iido u leh dalka. “Ujeedada ugu weyn ayaa ah in la abuuro shaqooyin bulshada maxalliga ah, gaar ahaan dadka ku nool gobollada waqooyi, iyo in la xoojiyo kobaca dhaqaale iyadoo dekedaha Jabuuti la siiyo waxtarka iyo shaqada loo baahanyahay” .

Muhiimadda Dekedda Tadjoura ee ganacsiga Itoobiya

Wuxuu sidoo kale xusay in Jabuuti ay xiiseyneyso inay sii xoojiso xiriirka ganacsi ee ay la leedahay Itoobiya. Labada dal waxay ka shaqeynayaan sidii loo yareyn lahaa kharashaadka gaadiidka iyo sidii loo hagaajin lahaa hababka ganacsiga.

Wuxuu sheegay in Dekedda Tadjoura oo istiraatiijiyad ahaan ku dhow Itoobiya, inay sii wadi doonto doorka muhiimka ah ee ay ku leedahay dhoofinta iyo soo dejinta badeecadaha Itoobiya.

Wasiirka wuxuu sidoo kale qiray in dekedaha kale ee Afika ay tartan u galaan ganacsiga Itoobiya, haddana Jabuuti ay ka go’an tahay in ay sii ahaato xarunta ugu weyn ee Itoobiya u adeegta, iyadoo bixineysa adeegyo tartan-galin ah oo ay ku kordhineyso iskaashi cusub iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.

Dhamaadkii bishii Agoosto  ayuu wasiirka Arrimagha Dibadda sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu Itoobiya ku wareejiyo dedked ay maamlkeeda leedahay 100% si xal looga gaaro muranka badda ee u dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here