Saturday, September 21, 2024

Garissa.. laba qof oo lala xiriirinayo falal amni darro oo la xiray

Garissa (Dawan)- Boliiska magaalada Garissa ayaa soo qabtay laba nin oo looga shakisan yahay in ay ku lug lahaayeen falal dhac iyo boob ah oo ka dhacay gudaha magaalada labadii isbuuc ee lasoo dhaafay. Labada eedeysane ayaa la sheegay in ay siteen qori AK-47 iyo toorrey, waxaana lagu qabtay guri ku yaal xaafadda Bur Buriska ee galbeedka Garissa.

War ka soo baxay Boliiska ayaa lagu sheegay in eedaysanayaashan laga soo qabtay guriga ay daggan tahay haweeney 70 sano jir ah, waxaana iminka lagu hayaa saldhigga Boliska Mamadi, waxaana sidoo kale laga helay goobta ay ku sugnaayeen tiro mobilo ah iyo gaari.

Waaxda Dambi Baarista ee Garissa ayaa weli sii wada baadhitaanada ku saabsan eedeymaha loo haysto raggan la qabtay.

Bilihii u dambeeyay, magaalada Garissa waxaa kusoo badanayay dhacdooyinka tuugta gacanta, iyagoo dadka ugu hanjabaya toorey si ay uga qaataan wixii ay sitaan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here