Monday, September 16, 2024

Garissa oo martigelisay shirka caafimaadka ee Ismaamullada Kenya

Garissa (Dawan)- 47 wasiir oo ka kala socday Ismaamulladda dalka Kenya ayaa magaalada Gariisa ee gobolka Waqooyi-bari ku yeeshay shir ku saabsanaa horumarinta iyo iskaashiga dhanka caafimaadka.

Guddoomiyaha ismamulka Garissa, Nadiif Jaamac iyo Gladys Wanga, Guddoomiyaha ismaamulka Homabay oo howlo shaqo ku joogtay maalmihii lasoo dhaafay Garissa ayaa si wada jir u guddoomay shirka wadatashiga ee arrimaha caafimaadka oo saddexdii biloodba mar la qabto ayna kasoo qaybagalaan xubnaha guddiga fulinta caafimadka ee Ismaamullada dalka Kenya oo gaaraya ilaa 47 .

Shirka ayaa ku qotomay saamaynta uu yeelan doono go’aankii dhawaan maxkamadda ee Xeerka caafimaadka guud ee UHC kaas oo ay maxkamaddu bishi hore ku tilmaamtay sharci darro iyo sidoo kale ka tashiga arrimaha muhiimka ah ee soo if-baxaya oo ay la kulmaan qaybaha caafimaadka ismamullada.

Mas’uuliyiinta caafimaadka ayaa sheegay in go’anka maxkamadda uu hoos u dhigii doono rajadii laga lahaa in shacabka deeganada ay helaan adeeg caafimaad oo la awooodi karo loona wada dhanyahay

Arrimaha kale ee shirka looga hadlay, waxaa ka mid ah lacagta 20 ka bilyan ah ee khasnadda dowladdu ay ka jarayso dowladd goboleeyda. Barasaabka Garissa ayaa talaabadaas ku tilmaamay mid caqabad weyn ku ah qaaab dhismeedka maamul goboleedyada.

Guddoomiye Wanga oo ah ku xigeenka guddiga caafimaadka ay ku midaysanyihiin golaha barasaabyada ayaa xoojisay dareenka Guddoomiye Nadiif, iyadoo intaas raacisay in taageerada awood-qeybsiga ay tahay tan ugu muhiimsan tan iyo markii ay si weyn u horumarisay helitaanka adeegyada caafimaadka ee heerarka kala duwan iyo dhammaan qaab  dhismeedka caafimaadka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here