Saturday, September 7, 2024

Garoomada lagu ciyaarayo kulamada tartanka Qaramada Yurub ee 2024

Hamburg (Dawan)- Caawa waxaa dalka Jarmalka ka billaabamaya tartanka Qaramada Yurub ee sannadka 2024, waana markii labaad oo koobkaan lagu qabto Jarmalka kadib sannadkii 1988-kii.

Magaalooyinka kala ah Berlin, Cologne, Munich Frankfurt, Hamburg, Dortmund, Leipzig, Gelsenkirchen, iyo Düsseldorf ayaa loo qorsheeyay in lagu qabto kulamada ciyaaraha.

Halkaan hoose ka eeg Garoomada loo diyaariyay in lagu ciyaaro koobka iyo tirada dadka ay qaadi karaan.

Waxaa ciyaarta ugu horeysa wada ciyaari doona martigeliyaasha koobka ee Jarmalka iyo xulka Scotland, iyada oo lagu ciyaari doono garoonka Allianz Arena ee Magaalada Munich.

Kulanka ugu dambeeya waxaa lagu wadaa in lagu ciyaaro garoonka Olympic Stadium ee Caasimadda Berlin 14-ka July 2024.

Xulka Germany ee marti gelinaya koobka ayaa galay Group isku dheeli tiran balse Gruoup B ayaa loo caleema saaray inuu yahay Group-ka dhimashada maadama ay ku wada jiraan xulalka Spain, Italy oo difaacaneysa Koobka iyo Croatia, Waxaa iyaguna Group D isku arki doona Farance iyo Netherlands.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here