Monday, September 16, 2024

Garoonka diyaaradaha ee Axum oo dib u billaabay howlihiisa 3 sano kadib

Addis Ababa (Dawan)- Garoonka diyaaradaha Atse Yohannes IV ee ku yaal magaalada taariikhiga ah ee Axum ee dowlad deegaanka Tigray ayaa dib u billaabay howlihiisa shaqo kadib in ka badan muddo saddex sano ah.

Dagaalladii lagu hoobtay ee ka socday labadii sano ee lasoo dhaafay dowlad deegaanka Tigray ayaa sababay in shaqadii garoonka ay joogsato, waxana qaybaha kala duwan ee garoonka soo gaaray burbur iyo khasaaro lixaad leh.

Diyaaradda Ethiopian Airlines oo siday 140 qof ayaa muddo saddex sano kadib ah duulimaad ku tagtay magaalada Axum 9-ka bishan June, iyada oo dadka saaranaa ay ka mid ahaayeen madaxa shirkadda Ethiopian Airlines Mesfen Tasew iyo mas’uuliyiin heer federaal iyo heer gobol ah.

Madaxwaynaha maamulka kumeel gaarka ee dowlad deegaanka Tigray Getachew Reda iyo mas’uuliyiin kale ayaa soo dhaweyn u sameeyay wafdiga gaaray magaalada Axum, waxaana lagu wadaa in la joogteeyo shaqada garoonka sida laga soo xigtay mas’uuliyiinta gobolka.

Dib u billaabidda duulimaadyadii tegi jiray magaalada Axum ayaa loo arka tillaabo muhiim ah oo lagu soo nooleynayo dhaqaalaha magaalada Axum oo ku tiirsan dalxiiska.

Ethiopian Airlines ayaa ka sugaysay hay’adaha amniga iyo maamulka duulista rayidka in loo ogolaado dib u bilaabidda duulimaadyadeeda magaalada Axum tan iyo markii la saxiixay heshiiskii nabadeed bishii November ee sannadki 2022.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here