Muqdisho (Dawan)- 30 Garsoore oo ka howl geli doona Maxkamadda Gobalka Banaadir ayaa maanta lagu dhaariyay munaasibad lagu qabtay xarunta Maxkamadda Sare ee dalka.
Garsoorayaashan cusub ayaa kusoo baxay tartan furan oo loo qabtay in ka badan 2000 oo tartameyaal ah Garsoore ah.
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Soomaaliya, Baashe Yuusuf Axmed oo hadal ka jeediyey munaasibaddii dhaarinta, ayaa Garsoorayaasha cusub kula dardaarmay in ay qayb libaax ah ka qaataan dardargelinta howlaha Garsoorka, isaga oo tilmaamay in loogga baahan yahay in mas’uuliyadda saaran darteed ay u gutaan si Alle ka cabsi ah sidoo kale na ay u caddaalad falaan dadka u soo caddaalad doonta Maxkamadaha.
Guddoomiye Baashe, wuxu sidoo kale xasuusiyey in hawlo adag loo soo maray tartankii ay ku soo baxeen, isaga oo xusay in siddii looggu caddaalad falay ay ka rajenayaan in iyaguna ay caddaalad ugu adeegaan umadda Soomaaliyeed.
In ka badan 5,000 oo isagu jira Garsoorayaal iyo Xeer Ilaaliyeyaal ayaa imtixaan u galay ka mid noqoshada hay’adaha Garsoorka ee dalka, waxaana kusoo baxay kaliya 60 tartame oo isagu jira Garsoorayaal iyo Xeer Ilaaliyeyaal.
Tillabadan ayaa ah markii labaad ee ay dowladda Soomaaliya tartan u qabto dadka doonaya in ay ka mid noqdaan Hay’adaha Garsoorka ee dalka, inkata oo farqi wayn u dhaxeeyo tirada la howlgeliyo iyo tirada ka qaybgasha imtixaanaadka.