Wednesday, October 30, 2024

Geelle iyo Al-siisi oo kawada hadlay ilaalinta xasiloonida gobolka

Jabuuti (Dawan)- Hogaamiyaasha dalalka Jabuuti iyo Masar ayaa kawada hadlay sidii loo xaqiijin lahaa xasiloonida gobolka iyo baqadka marinada badda.

Arrintan ayaa timid kadib markii Madaxweynaha Masar, Cabdifataax Al-siisii uu qadka telefoonka kula hadlay dhiggiisa Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale ka wada hadlay horumarinta iskaashiga dalalka Qaaradda Afrika iyo qaab dhismeedka Midowga Afrika, si looga jawaabo arrimaha mudnaanta u leh horumarinta dalalka Afrika iyo shucuubtooda.

Geelle iyo dhiggiisa Masar, waxay caddeeyeen sida ay ugu han weyn yihiin xoojinta xiriirka soo jireenka ah ie isku xira labada dal , iyagoo carrabka ku adkeeyay inay ka go’an tahay sii wadida horumarinta iskaashiga wadajirka ah gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, maalgashiga, isweydaarsiga ganacsiga, iyo sidoo kale sii wadida wada tashiga la xiriira arrimaha gobolka

Axmed Fahmi, oo ah afhayeenka madaxtooyada Masar, ayaa sheegay in labada madaxweyne ay isla soo qaadeen arrimo dhowr ah oo ku saabsan qaaradda Afrika, iyagoo carrabka ku adkeeyay sida ay lagama maarmaanka u tahay ilaalinta xasilloonida iyo ixtiraamka madax-bannaanida dalalka.

Wadahadalka labada madaxweyne ayaa kusoo aadaya iyada oo dhawaan lagu aas-aasay Asmara isbahaysi seddex geesood ah oo ay ku mideysanyihiin Soomaaliya, Masar iyo Eritrea kaas oo loo arko in looga gol leeyahay in lagu go’doomiyo Abiy Axmed.

Jabuuti, xiriir wanaagsan ayaa kala dhexeeya dhamaan dowladaha gobolka marka laga reebo Eritrea oo ay isku hayaan dhul, waxayna caan ku tahay isku wadka iyo dheelitirka siyaasadaha is diidan ee gobolka iyo dunida.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here